Barcelona iyo dalab kale oo Willian ah! Miyey Chelsea aqbali doontaa?

Kooxda Barcelona ayaa dalab labaad ka gudbisay saxiixa laacibka kooxda Chelsea ee Willian.

Blues ayaa horraan iska soo diiday dalab ku kacayay £50m, waxaana Barca ay hadda ku dartay lacag dhan £10m si ay gacanta ugu soo dhigto xiddigga reer Brazil.

Blaugrana ayaa dooneysa inay kordhiso dookhyadeeda weerarka waxaana 29-jirkan ka ciyaara garabka uu yahay mid xiiso badan ka heysta kooxda Macallin Ernesto Valverde.

Manchester United ayaa sidoo kale daraf kaga dheggan xiddiggan balse Chelsea ayaa door bideysa inay ka iibiso Willian kooxda Barcelona halkii ay ka iibin lahaayeen kooxda Old Trafford ku ciyaarta.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR