Barcelona oo berri soo gabagabeyn doonta saxiixeeda xiga!

Laacibka reer Brazil ee Arthur ayaa soo gaaray Barcelona kaasoo noqday saxiixeeda ugu horreeyay ee xagaagan.

Barca ayaa soo af jari doonto hardankii adkaa ee ay u gashay laacibka kooxda Sevilla ee Clement Lenglet.

Kooxda Sevilla ayaa diyaar u ah inay iibiso difaaceeda haddii ay Barca aqbasho inay bixiso lacagaha lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Kooxda ku guuleysatay La Liga xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ayaa aqbashay in ay la timaadda qiimaha burburinaya heshiiska uu xiddigga reer France ku joogo garoonka Ramon Sanchez Pizjuan.

Waxaana Blaugrana ay soo gabagabeyn doontaa maalinta Berri ah oo ay miiska saareyso sida laga soo xigtay saxafiyiin ka tirsan Mundo Deportivo.

22-jirkan ayaa Barca la galay heshiiska shakhsiga ah isagoo qalinka dul dhigi doono heshiis shan sano ah oo uu kaga sii ciyaari doono Camp Nou.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR