Barcelona Oo Jawaab Deg Deg Ah Ka Bixisay War Uu Hadda Baahiyay Wargayska L’Equipe Oo Lagu Sheegay In Ay Lacagta Griezmann Bixiyeen.


Kooxda Barcelona ayaa si deg deg ah uga jawaabtay war dhawaan soo baxay uu wargayska caanka ah ee L’Equipe ku shaaciyay in maamulka kooxda Barcelona ay haddaba si buuxda u shubeen dhamaan lacagtii 120 ka milyan yuro ahayd ee lagu burburinayay heshiiska Griezmann.

Waxaana hore idiinku soo gudbinay in kooxda Barcelona ay qorshaysatay in barri oo jimce ah ay bixiso lacagta lagu burburin karo heshiiska Griezmann laakiin wargayska dalka France ka soo baxa ee L’Equipe ayaa war deg deg ah oo uu soo saaray waxa uu ku shaaciyay in haddaba ay Barca bixisay lacagta heshiiska Griezmann lagu burburin karo.

Wargayska Sport ee magaalada Barcelona ka soo baxa ayaa isla markiiba xidhiidh la sameeyay kooxda Barcelona waxaana loo sheegay in warka L’Equipe uu been yahay oo ayna wali Barcelona bixin lacagta heshiiska Griezmann lagu burburin karo.

Wargayska ka soo baxa dalka uu Greizmann dhalasho ahaan soo jeedo ee L’Equipe ayaa ku dooday in Barcelona ay haddaba lacagta heshiiska Griezmann lagu burburin karo ay ku direen baank laakiin ilwareedka uu Sport helay ayaa arintan beeniyay.

Laakiin wargayska Sport ayaa cadeeyay in waqti aad u dhaw ay Barcelona bixin doonto lacagta guud ee lagu burburin karo heshiiska Griezmann balse waxay ka gaabsadeen in ay waqti rasmi ah ku sheegaan.

Iyada oo wargayska Marca uu isna cadeeyay in jimcaha barri ay Barcelona bixin doonto lacagta heshiiska Griezmann lagu burburin karo ayay hadda u muuqataa in waqti kaliyi inaga xigo marka uu Griezmann noqon doono ciyaartoy Barcelona ah.

Warka uu shaaciyay L’Equipe ee ah in haddaba ay Barcelona si buuxda u bixisay lacagta heshiiska Griezmann lagu burburin karo ayaa si xawli ah ugu baahay warbaahinta caalamka balse hadda waxaa la xaqiijiyay in warkaasi aanu run ahayn.

Si kastaba ha ahaatee, 24 ka saacadood ee soo socda ayaa la sugayaa in Barcelona ay bixin doonto lacagta heshiiska Greizmann lagu burburin karo markaas oo uu ciyaartoy Barcelona ah noqon doono.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR