Barcelona oo lacag fara badan ku dooneysa laacib ka tirsan Juventus!

Xilli ay lagu soo warramayo in heshiis hor dhac ah ay la gaartay Adrien Rabiot, haddana waxaa lagu soo warramayaa in kooxda Barcelona ay dooneyso saxiixa xiddigo kale oo ka ciyaarra khadka dhexe.

Waxaa hadda bartilmaameedkooda uu saarranyahay xiddigga kooxda Juventus ee Rordrigo Bentacur.

Laacibka reer Uruguay ayaa xilli ciyaareedkan qaab qurux badan ku billowday, isagoo ka faa’ideystay dhaawacyada soo gaarray xiddigaha Germany kasoo wada jeeda ee Emre Can iyo Semi Khedira.

Labada ciyaaryahan ayaa inta ugu badan xilli ciyaareedkan dhaawacyo ku qaatay, balse waxa ay taasi fursad u noqotay Bentacur kaasoo qadka dhexe kula soo billawda Miralem Pjanic iyo Blaise Matuidi.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu soo warramayaa in Blaugrana ay diyaar la tahay €60m si ay u dhammeystirto saxiixan, balse weli si rasmi ah uma aysan gudbinin.

Bianconeri way ku adkaan doontaa inay ciyaaryahankan iibiyaan, tii oo ay jirto in kooxda isaga laga soo qaatay ay sugeyso lacagaha lagu iibinayo laacibkan qayb ka mid ah, maadaama heshiiska Juve ay Bentacur kusoo qaadatay ay sidaas ku qorneyd.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR