Barcelona Oo Shaacisay In Ay La Soo Wareegeen Miralem Pjanic , Imisa Sano Ayuu Saxiixayaa ?

Kooxda Barcelona ayaa shaaca ka qaaday in ay soo dhameystirtay hishiiska ay kula soo wareegeysay qadkii dhexe Juventus ee Miralem Pjanic

Arintaan ayaa imaaneysa xilli Arthur oo Barcelona ahaa isna uu u wareegay maanta Juventus .

Barcelona waxa ay sheegeen in 60 milyan oo euro ay uga baxday saxiixa Miralem Pjanic

Miralem Pjanic waxa uu haatan saxiixiyaa hishiis dhan 4 sano oo ku siman 2024-ka xilli qiimaha hishiiskiisa lagu bur-burin karana uu gaarayo 400 milyan

Waxa xusid mudan in hishiiskii Miralem Pjanic ee Juventus uu ahaa mid dhacayay bisha August

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR