Barcelona Oo War Fiican Heshay Ka Hor Kulanka Napoli Ee Todobaadka Dambe, Maxaa Cusub

Kooxda Barcelona ayaa war fiican ka heshay tababarka kooxdeeda kadib markii ay xiddigaha Clement Lenglet & Antoine Griezmann taam u noqdeen tababarka kooxda.

Labada xiddig ee reer France aya dhaawac ku seegay kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka laakiin waxa ay haatan si buuxda uga soo kabsadeen dhaawaca waxana ay sugayaan in ogolaansho caafimaad la siiyo maalmaha soo socda.

Warkan ayaa Barcelona u soo baxay wakhti fiican kuwaas oo isku diyaarinaya kulanka Napoli ee sabtida kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega Group-yada champions League.

Soo Laabashada Lenglet ayaa gaar ahaan si weyn muhiim ugu ah kooxda Barcelona marka loo eego in ay xiddigaha Samuel Umtii iyo Ronald Araujo dhaawac ku seegi doonaan.

Labada xiddig aya la filayaa in ay ka qayb qaataan kulanka Napoli ee muhiimka u ah kooxda uu hogaamiyo tababare Quique Setien.

Sii Akhriso: Safirka Shiinaha Ee Soomaaliya Oo Soo Gaadhay Somaliland

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR