Barcelona oo xaqiijisay lambarka cusub ee uu Coutinho xiran doono.

Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa si rasmi ah u shaacisay in Philippe Coutinho ay guddoonsiiyeen lambarka 7-aad ee maaliyadda kooxda.

Coutinho ayaa xirtay maaliyadda lambar 14 markii uu bishii January Liverpool kaga soo biiray, balse hadda waxa uu xiran doonnaa lambar 7 oo uu faarujiyay Arda Turan.

Kubbad sameeyaha reer Brazil ayaa lambarkan xirtay xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ee Inter Milan ka hor inta uusan January 2013 u dhaqaaqin Premier League-ga.

Waxa ay u muuqatay in Blaugrana ay lambarkan ugu talo gashay Antoine Griezmann, inkastoo ay ku guuldarreysteen.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR