Bayern Munich Oo Chelsea Wadahalado Kala Furtay Xiddig Aan Ku jirin Qorshaha Thomas Tuchel.

Bayern Munich Oo Chelsea Wadahalado Kala Furtay Xiddig Aan Ku jirin Qorshaha Thomas Tuchel.

Kooxda Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo la furtay kooxda chelsea si ay u hesho saxiixa xiddiga Christian Pulisic Si ay ugu badalaan xiddiga Kingsley Coman.

Kingsley Coman ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Man United xilli Red Devils isku diyaarinayso in ay xagaaga dalab ka gudbiso xiddiga reer France.

Heshiiska Kingsley Coman ee Bayern Munich ayaa dhici doona xagagaa 2023 waxana uu iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Haatan kooxda Bayern Munich ayaa u dhaqaaqaya saxiixa xiddiga kooxda chelsea ee Christian Pulisic Si ay ugu badalaan xiddiga reer France.

Xiddiga Christian Pulisic ayaa ku dhibaatoonaya dhaawacyo tan ilaa markii uu soo biiray chelsea waxana uu haatan u muuqdaa mid aan ku jirin qorshaha tababare Thomas Tuchel.

Wargayska TodoFichajes ayaa sheegaya in ay Bayern Munich haatanba wadahadalo la furtay chelsea si ay u hesho saxiixa xiddiga Pulisic inta lagu jiro xagaagan.

Bayern Munich ayaa ku kalsoon in ay heli doonto saxiixa Pulisic marka loo eego in uu xiddigu horay uga soo ciyaaray Bundesliga waliba si dhib yar ula qabsan doono kooxda.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR