Bayern Munich Oo Xasuuqday Eintracht Frankfurt Dibna U Soo Celisay Hogaankii Ay Ku Hayeen Bundesliga.

Kooxda Bayern Munich ayaa xasuuq ba’an u gaysatay kooxda Eintracht Frankfurt kulan ka tirsanaa todobaadkii 27-aad ee horyaalka Bundesliga kaas oo ay si weyn u maamulaysay ciyaarta.

Kooxda Bayern Munich ayaa kalsooni buuxda heshay ka hor kulanka adag ee ay salaasada la ciyaari doonto kooxda Borussai Dortmund kana tirsan horyaalka Bundesliga.

Kulanka ayaa ahaa mid ah kooxda Bayern Munich si walba u maamulaysay ciyaarta waliba dhalin kartay goolal ka badan inta ay kulankan ka dhaliyeen.

Bayern Munich ayaa daqiiqadii 17-aad hogaanka u qabatay ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Leon Goretzka kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

kooxda Bayern ayaa sii waday dadaalka ay ku doonaysay in ay goolal kale kaga dhaliso kooxda ay marti galisay ee Eintracht Frankfurt.

Advertisements

Bayern Munich ayaa mar kale gool dhalisay daqiiqadii 41-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Thomas Muller kaas oo hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Bayern Munich ku gacan sarayso kulanka kana awood badnayd kooxda Eintracht Frankfurt.

Qaybtii dambe ayay Bayern Munich si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay ciyaarta wakhti hore dilaan.

Daqiiqadii 46-aad ayay Bayern dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Robert Lewandowski kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Kooxda Eintracht Frankfurt ayaa u muuqatay mid si lama filaan ah ciyaarta ugu soo laabanaysa iyaga oo qaab ciyaareed dar-dar leh sameeyay kadib goolkii 3-aad ee laga dhaliyay.

Daqiiqadii 52-aad ayay kooxda Eintracht Frankfurt dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Martin Hinteregger kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Isla 3 Daqiiqo kadib gaar ahaan daqiiqadii 55-aad ayay Eintracht Frankfurt mar kale dhalisay gool kale iyaga oo uu u dhaliyay isla xiddiga Martin Hinteregger kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/3.

Bayern Munich ayaa ka naxday goolkaas kana kacday hurdadii ay ku jirtay kadib 3-dii gool ee ay dhalisay iyaga oo bilaabay raadinta goolal kale oo ay ciyaarta ku dilayaan.

Daqiiqadii 61-aad ayay Bayern Munich dhalisay goolka 4-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay daafaca Alphonso Davies kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/2 ay Bayern ku hogaaminayso.

Kooxda Bayern Munich ayaa dhalisay goolka 5-aad ee ciyaarta iyaga oo uu si khaldan isaga dhaliyay xiddiga kooxda Eintracht Frankfurt ee  Martin Hinteregger kaas oo gool khaldan ka dhaliyay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 5/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Bayern Munich gaadhay guul weyn waliba 5 gool ah kulankii 2-aad oo xidhiidh ahna 5 gool dhalisay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR