Beesha Caalamka oo war ka soo saartay warbixintii Guddiga Doorashooyinka


Beesha Caalamka ayaa war kasoo saartay warbixintii Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Xaliimo Yarey maalin ka hor ka jeedisay kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, iyadoo kusoo bandhigtay nidaamka Doorashada dalka ee 2020/2021.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Warbixinta Guddiga Doorashooyinka, waxaana Beesha ay hoosta ka xariiqeen sida loogu baahan yahay inay Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda yeeshaan wada-xaajood dhab ah.

Sidoo kale Qoraalka Beesha Caalamka ayaa waxaa markale lagu soo dhaweeyay Shirkii wadatashiga ahaa ee uu Madaxweyne Farmaajo ku casuumay Madaxda dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, iyagoo ka wada hadli doona arrimo kala duwan oo ku aadan dalka.

Ugu dambeyn Beesha Calaamka ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ugu baaqday inay sida ugu dhaqsaha badan heshiis uga gaaraan hanaanka Doorashada iyo Khilaafyada siyaasadeed ee dalka.

Guddiga doorqshooyinka dalka ayaa dalbaday muddo kordhin in loo sameeyo si dalka ay uga hirgeliyaan nidaam doorasho oo sax ah, balse Baarlamaanka Somaliya ayaa wali arrintaasi go,aan ka gaarin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR