Booliiska Jarmalka oo xiray koox qorshaynayay in ay Masaajid weeraraan

Booliiska
Waddanka Jaramlka ayaa laga soo xigtay in ay 
xireen kooxo xagjir ah oo qorshaynayay in ay weeraraan masjid ku yaala
dalkaasi, kaddib markii ay Booliisku heleen xog ka sii heleen.

Kooxda  la xiray oo ka kooban 12 qof ayaa la sheegay
in ay ka tirsan yihiin Xagjiriinta Muslimka neceb ee Der harte Kern oo ah koox
ka dhisan dalkaas.

Xagjiriintas
ayaa ku caan baxay necaybka iyo faquuqa Muslimiinta iyo dadka magangalyo doonka
ah ee jooga waddanka Jarmalka.

Sidoo
kale Booliisku waxa ay baadi goob ugu jiraan xubno kale oo ka tirsan
xagjiriintan kuwaasoo qeyb ka ahaa qorshaha weerarka.

Dalka Jarmalka waxa ku sugan kooxaha cansuriyiinta midigta fog oo abaabula weerarro ka dhan ah dadka Muslimiinta ah oo ay ku jiraan dadka magangelyo doonka ah.

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR