Booliiska Somalia oo sheegay in hal ruux ay u xireen imtixaankii Dowladda ee la xaday

Muqdisho
(PP) ─
Taliyaha ciidanka booliiska
Somalia, Jen. Bashiir Cabdi Maxamed oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay
inay gacanta kusoo dhiggeen shaqsi lagu tuhmaayo in uu faafiyay imtixaanka
dowladda ee dhawaan la joojiyay.

Jen. Bashiir ayaa sheegay in
shaqsiga la qabtay lagu magacaabo Jamaaludiin Xasan Xirsi oo 29-sano jir ah, kana
mid ahaa shaqaallaha wasaaradda waxbarashadda Somalia oo lagu tuhmaayo inuu
faafiyay imtixaanka dowladda Somalia.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa
xusay in shaqsigan lagu eedeeyay inuu si toos ah u faafiyay imtixaanka dowladda,
isla markaana dhawaan la horkeeni doono sharciga, si haddii uu dambiga ku
caddaado loo abaal-mariyo.

Taliyaha booliiska Somalia ayaa
sheegay in ciidamada booliska ay ku daba-jiraan shaqsiyaad kale oo lagu
tuhmaayo inay ka dambeeyeen falkii lagu xaday Imtixaanka dowladda.

Wasiirka waxbarashada
Somalia, Cabdiraxmaan Goodax Barre ayaa habeen hore ku dhawaaqay inuu joojiyay
imtixaankii dowladda ay ka qaadasay ardayda Dugsiyada sare ee Dowladda, kaddib
markii qishka imtixaanka lagu arkay baraha ay bulshadu ku xiriirto.

Dhanka kale, Joojinta imtixaanka
ayaa wuxuu keenay in ardaydii kala duwanaa ee imtixaanka laga joojiyay ay mudaaharaadyo
dhigeen, kuwaas oo keenay inuu arday ku dhinto kuwo kalena ay ku dhaawacmaan.

Ugu dambeyn, Wasiirka waxbarashada
ayaa sheegay in dhammaadka bishan lagu jiro la qaadi doono imtixaan kale oo ku
celis ah, isla markaana la jarayo baraha ay bulshada ku xiriirto si looga
gaashaanto in imtixaanka la dusiyo.

PUNTLAND POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR