Boorama: Magaalo cabanaysa Q.4aad (WQ: Cabdicasiis maxamed Jaamac)

Boorama waa magaalo lagu xusuusto arimo dhawr ah sida shirarkii dib u dhiskii Somaliland ee 1993 iyo iyadoo ah hoyga jaamacada camuud ahna jamacadii ugu horaysay kadib burburkii nidaamkii waxbarasho ee dalwaynihii laysku odhan jiray Soomaaliya.

Jaamacada camuud iyo jaamacado kale oo afara ah (Eelo, Horn, Admas iyo Badar)ayaa ka furan magaalada Boorama,
Jaamacada camuud waxaa la furay dhamaadkii sandkii 1997 waxay ku bilaabantay labo kuliyadood lakiinse 22 sanadood oo dadaal badan la galiyey hada tirada kuliyaduhu waa 13 waxaa kaloo barbar socda kuliyada aqoonta heerka labaad(postgarduate) oo labo xarumood(camps) ku kala leh Borama iyo Hargaysa sidoo kale kuliyada layliga sanadka kowbaad ee jaamacada(freshman)oo ah tani ugu balaadhan waxaan dhigta 1200 arday , tirada guud ee ardayda jaamacada dhigataa waa kudhawaad 5500 oo ardayda.
Jaamacada camuud waa xooga xarunta ugu balaadhan ee shaqalaysiisa gobilka Awdal, shaqaalaha ka hawl gala jamacadaasi oo ka kooban macalimiin,maamul iyo shaqaale hoosaadyo aad u tiro badan waana 520 qof.
Jaamacada Camuud qiyaas kabadan 15000 ayaa ka qalin jabisay oo aqoonta nuucyadeeda kala duwan kabartay mudadaas 22 sano ee ay furantahay.
Baryahan dambe waxaa jaamacada camuud lagu dhaliilan xaga tayada waxbarashada ardayda oo aan waxbadan laga qaban una baahan in maamulka iyo jaan-gooya yaasha siyaasada jaamacadu hoos u egaan.

Magaalada Borama waxay ahayd magaalo galbeed ku taal oo dadku aany aad u cuni jirin hilibka geela,waxaa dhaqan caana ah ka ahaa cunida hilibka Adhiga nuucyadiisa (iddaha iyo Riyaha)hadase waxaad moodaa in dhaqankaasi aad isku badal oo shacku aad u ciseeyaan hilibka geela.

Magaaladu waxay leedahay Hal kawaan oo xoolaha lagu qalo , kawaankaasi bilawgii dhismihiisa 10 kahor laga hirgaliyey meel 2 KM ka baxsan darifka woqooyi bari ee magaalada waxa u ahaa mid casriya haddase mar aan buuqay waxaa u ahaa mid markaad u jirto 1kM urtiisu kaa qaadayso, inkastoo aan arkay xayndaab fiican isla markaan cusub oo lagu soo wareejay iyo taangi biyoodyo dalacan oo u muuqda kuwo cusub hadan urtaasi waxay bixinaysaa sawir kaas ka duwan iyo in meshaa dayacaad xoogani taalo, haddi caafimaadka iyo nadaafada goobta hilbka lagu qalaa sidaa tahay hilibka geela ee reer boorama caashaqeen hayska hubiyaan meesha lagu soo habeeyey hana la xisaabtamaan cida gacanta ku haysa oo ah maamulka degmada.

Hosbitaalka guud ee magaalada Borama oo aan tirabo labo jeer tagay isla markaan aan ku soo wareegay waxaa ka muuqatay dayacaad iyo nidaam daro baahsan,Hosbitaalkan Dr Aadan Baraar loogu magac daray mudadii Somaliland jiray ee 27sanadood ah wax badan laguma soo biirin , dhsimayaal dhawr ah oo xafiisyo u badan ayaa laga dhisay gudaha xayndaabkii horay u jiray.hosbitaalka waxaa ku beernaan jirtay dhir iyo ubax badan oo aad u qurxoona isla markaan bilicda wax way ka tari jiray mudadii NGO gii coopi la odhan jiray gacanta ku haysay, hadase dhirtaas iyo ubaxaa waxaa badakay boodh iyo bataax.

Bukaanka jiifa waadhasha hosbitaalku waa iibsadaan daawada iyo sawirada Raajada jiifkuna waa lacag oo sidii albeerko ayaa lacag la bixiyaa, waxaan iswaydiiyey wax u kaga duwanyahay kuwa gaarka loo leeyahay,waxaa intaas dheer wax u hoos tagaa wasaarada caafimaafka ee dalka oo waxaa hogaamiya shaqsi ay soo magacawdo wasaaradu.

Magaaladu waxay leedahay 21 xildhibaan oo ah xildhibaano laga soo doortay degaanada kala duwan ee degmada Borama, xildhibaanadan waxaa la doortay 2012 oo waxay fadhiyaa mudo kabadan 6 sanadood, waxaa laga soo kala doortay ururo dhawr ahaa oo qaar hadheen, waxaan soo baxay oo ay ku kala biireen xisbiyada(Kulmiye, ucid, wadani )
Waa xildhibaano dhalinyar ah, islamarkaana intood badan aan nidaam hogaamineed horay u soo marin, waxaan laga yaabaa markii ay doorashada galayeen in aanay garwaaqsanayn baaxada iyo inta ay legtahay masuuliyada fuulaysa.
Markaad eegto baahida taala magaalada iyo masuuliyada u taala masuuliyintaasi waa kaaf iyo kala-dheeri.
Shacabka magaalada oo aan afkaarta ku aadan xildhibaanada ururiyey waxay hadal ku soo ururiyeen dhalinyaro intooda badan iyagu is eryanaaya, isku foogan oo aan waxba ugu filayn magaalada isla markaan aad ugu milmay siyaasada asqaysan islamarkaana waxay xidheen koodhka/shaadhka qabyaaladaysan ee u dhexeeya xisbiyada siyaasada ee dalka ka Jira.

La soco qaybta 5aad ee qormadan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR