C/llaahi Sheekh Xasan oo loo doortay Afhayeenka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada

C/llaahi Sheekh Xasan oo ah Wasiirka Dastuurka ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa loo magacaabay Afhayeenka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

Qoraal magacaabis ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ahna Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa lagu magacaabay C/llaahi Sheekh Xasan inuu noqdo Afhayeenka rasmiga ee Golaha.

C/llaahi Sheekh Xasan ayaa wixii hadda ka dambeeya noqon doona Afhayeenka rasmiga ee ku hadli doona codka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada

Waa markii u horeysay ee uu Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada uu yeesho Afhayeen muddo sanad ah oo uu Golaha dhisan yahay, waxaana Golaha uu horay war saxaafadeed ka soo saari jiray kulamada iyo go’aanada uu soo saaro.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR