Home » Archives by category » CAYAARAHA (Page 165)

Xiddig Liverpool Ka Tirsan Oo Isku Dayay Inuu Xiddiga Chelsea Callum Hudson-Odoi Ku Qalqaaliyo Inuu Ku Biiro Liverpool

Xiddig Liverpool Ka Tirsan Oo Isku Dayay Inuu Xiddiga Chelsea Callum Hudson-Odoi Ku Qalqaaliyo Inuu Ku Biiro Liverpool

Weeraryahanka Liverpool Rhian Brewster ayaa isku dayay inuu xiddiga Chelsea Callum Hudson-Odoi ku soo jiido kooxda Liverpool.

Hudson-Odoi ayaa wadahadalo qandaraas kordhin ah kula jiray kooxda Chelsea muddo bilooyin ah iyadoo kooxda ay si weyn ugu baahan tahay inuu 18 jirkaan saxiixo qandaraas muddo dheer ah.

Bayern Munich ayaa isku dayday inay la saxiixato xiddiga garabka ka ciyaara bishii Janaayo iyagoo u soo bandhigay qandaraas uu isbuucii ku qaadanayo 100 kun ginni kaasoo la fahamsan yahay inuu weli miiska saaran yahay.

Hudson-Odoi ayaa dhaawac halis ah uu soo gaaray bishii April isagoo tababare qaadanaya, waxaana uu galayaa 10kii bilood ee ugu danbeysay qandaraaskiisa haatan.

SIDOO KALE AKHRISO:  Qiimaynta Kaalmaha Kooxaha UEFA Champions League Ku Jira Oo Ay UEFA Shaacisay Iyo Xogta Oo Isku Aadka UCL Muhiim U Ah.

Xiddiga Ingariiska ayaa waxa ay isla soo baxeen xiddiga Liverpool Brewster.

Brewster ayaana isku dayay inuu ku qalqaaliyo Hudson Odoi inuu kula soo biiro kooxda Liverpool isagoo ka qeyb qaatay wada sheekeysi Twitter ku dhexmaray Hudson-Odoi iyo xiddiga kale ee Chelsea Trevor Chalobah.

Hudson-Odoi ayaa muuqaal uu kubad farsameynayo soo dhigay barta bulshada ee Twitter isagoo xiran maaliyada Chelsea, Chalobah ayaa u jawaabay una qoray: “Saxiix”

Jawaabtaas waxaa jeclaaday dhowr kun oo taageerayaasha Chelsea laakiin labo maalmood ka dib waxaa jawaab ku darsaday Brewster.

“Liverpool u saxiix” ayuu yiri Brewster isagoo raaciyay labo waji qosol ah.

Taageerayaasha Liverpool ayaa ku farxay soo jeedinta Brewster laakiin ma jiro xiriir u dhaxeeya kooxda Merseyside iyo Hudson-Odoi.

SIDOO KALE AKHRISO:  Jurgen Klopp Oo Loo Sheegay Inuu SADDEXDAN Ciyaartoy Kusoo Xoojiyo Kooxdiisa Liverpool Suuqa January.

Xiddiga Chelsea ayaase la hadlay saaxiibkiisa kale England iyo kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho kaasoo uga sheekeeyay nolosha Jarmalka.

“Waa xiddiga xiga ee soo bixi doona” ayuu Sancho ka yiri saaxiibkiis bishii Janaayo.

“Tayo aad u fiican ayuu leeyahay, wuu orod badan yahay, farsamo gambis ayuu leeyahay. Waan u sheegay in Bundesliga uu yahay horyaal aad u fiican. Waxaan u sheegay inuu sameeyo wixii isaga u fiican.”

Let’s block ads! (Why?)

Xiddig Chelsea Ah Oo Digniin U Diray Tababarihiisa Frank Lampard

Xiddig Chelsea Ah Oo Digniin U Diray Tababarihiisa Frank Lampard

Xiddig u ciyaara kooxda chelsea ayaa fariin adag u diray intii uu ku sugnaa waajibaadka xulka qarankiisa ka hor inta uuna ku soo laaban kooxda ka hor kulanka Wolves ee horyaalka premier League ee kadib fasaxa xulalka.Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxd…

Man City Oo Saxiixeeda Ugu Horeeya Ee Suuqa January Ka Arkootay Horyaalka Italy

Man City Oo Saxiixeeda Ugu Horeeya Ee Suuqa January Ka Arkootay Horyaalka Italy

Kooxda Man City ayaa haataba bilowday raadinta daafac cusub oo ay u dhaqaaqdo marka la gaadho suuqa January si ay ugu xoojiso qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan kadib dhaawacii soo gaadhay daafaca Aymeric Laporte.Wargayska Daily Express ayaasheegaya i…

“Waa 26 Jir Ah Ma Ahan In Qaladaadkan Loo Tilmaamo” – Roy Keane Oo Weerar Ku Qaaday Daafaca Ugu Qaalisan Dunida Harry Maguire

“Waa 26 Jir Ah Ma Ahan In Qaladaadkan Loo Tilmaamo” – Roy Keane Oo Weerar Ku Qaaday Daafaca Ugu Qaalisan Dunida Harry Maguire

Roy Keane ayaa shaaca ka qaaday in weli su’aalo ay dul saaran yihiin awooda difaacasho ee Harry Maguire kaasoo heshiis rikoorka adduunka ah oo gaaraya 80 milyan ginni ugu soo wareegay Manchester United xagaagan.

Keane ayaa tilmaamay in Maguire uu fiican yahay marka uu kubada heysto laakiin waxa uu qirtay in ku liito marka uu kubada difaacanayo.

Maguire ayaa ku soo wada bilowday dhamaan afartii kulan ee Premier League ee Man United ay ciyaartay xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu kaliya kooxda ka caawiyay inay hal kulan shabaqa ilaashato kulankii ay 4-0 kaga badiyeen kooxda Chelsea.

Inkastoo Maguire uu weli saldhiganayo kooxdiisa cusub, Keane ayaa aaminsan inay aheyd inuu sameynin qaladaadkii uu sameeyay ilaa iyo haatan marka loo eego da’diisa.

SIDOO KALE AKHRISO:  “Wiilkaygu Cuntona Wuu Cuni Waayay Hurdona Wuu Ladi Waayay, Haatan Degenaan Ayaan Ku Dhiman Karaa” – Aabaha Da’yarkii Xalay Barca U Saftay Ee Ansu Fati Oo Dareenkiisa Qirtay.

Keane ayaa u sheegay ITV: “Waxaan qabaa inuu OK ahaa. Waxaan ka hadleynay sida uu u fiican yahay marka uu kubada heysto, laakiin marka uu difaacanayo weli hal ama labo su’aalood ayaa dulsaaran.

“Waxaan mar walba ka walwalaa orodkiisa marka uu kubada difaacanayo. Waxaan xusuustaa goolkii ugu horeysay ee ay Crystal Palace dhaliso ma uusan sameynin waxyaabaha aasaasiga ah ee laga rabo daafac oo aheyd inuu daboolo Lindelof.

“Dhageyso, waa 26 jir haatan, waad walwaleysaa haddii aad waxyaabahaan u tilmaameyso isaga.”

Maguire ayaa ciyaaray 90ka buuxa ee dhameystiran kulankii ay England 4-0 kaga badisay Bulgaria habeenkii Sabtida.

Let’s block ads! (Why?)

Goormee Ayay Xulka Spain Xaqiijisan Karaan U Soo Bixitaankooda Koobka Qaramada Yurub Ee Euro 2020?

Goormee Ayay Xulka Spain Xaqiijisan Karaan U Soo Bixitaankooda Koobka Qaramada Yurub Ee Euro 2020?

Iyagoo badiyay dhamaan lixdii kulan ee ay ciyaareen ilaa iyo haatan, Spain ayaa ku dhow inay u soo baxdo koobka Euro 2020, iyagoo kulankoodii ugu danbeeyay xalay 4-0 kaga badiyay xulka Faroe Islands.

Afar kulan ayaa u haray xulka lagu naaaaneeso La Rojo, laakiin waxay u baahan yihiin inay labo kulan kale badiyaan si ay u xaqiijistaan tikidhkooda Euro 2020, waxaana ay taasi ka dhabeyn karaan kulamada caalamiga ah ee la ciyaarayo bisha Oktoobar markaasoo ay booqanayaan Norway iyo Sweden 12ka iyo 15ka Oktoobar.

Labada xul ay la ciyaarayaan waa kuwa dagaal ugu jira inay soo baxaan sidaasi darteed uma sahlanaan doonto xulka Spain.

SIDOO KALE AKHRISO:  PSG Oo Ku Adkeysaneysa Inay Hesho Xiddiga Loo Arko Mustaqbalka Real Madrid & Los Blancos Oo Diidmo Qayaxan Soo Siisay

Spain ayaa sidoo kale soo bixi karta haddii xulalka kale ay dhibco dhumiyaan, inkastoo Romania iyo Sweden ay la ciyaarayaan xulal dhibcaha laga qaato inta badan ee Faraoe Islands iyo Malta iyadoo La Roja ay booqaneysa Norway.

Waxaa sidoo kale jira kulan u dhaxeeya Romania iyo Norway 15ka Oktoobar kaasoo muhiim u noqon kara xulka u dagaalami doona inuu soo baxo bisha November.

Haddii Spain ay ku guuldareysato inay bisha danbe xaqiijisato u soo bixitaankeeda Euro 2020 waxa ay heystaan bisha November oo ay shaqadooda dhameystiri karaan markaasoo ay Malta ku soo dhaweynayaan Cadiz halka ay Romania ku soo dhaweyn doonaan garoonka Atletico Madrid ee Wanda Metropolitano.

SIDOO KALE AKHRISO:  Arsenal Oo Heshiis Joogta Ah Kula Wareegi Karta Dani Ceballos Iyo Tababare Zidane Oo Sabab U Noqonaya

Let’s block ads! (Why?)

Muxuu Jurgen Klopp Si Shaqsi Ah Ugu Sheegay Philippe Coutinho Markii Uu Ku Biiray Bayern Munich

Muxuu Jurgen Klopp Si Shaqsi Ah Ugu Sheegay Philippe Coutinho Markii Uu Ku Biiray Bayern Munich

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday wixii uu U sheegay Philippe Coutinho kadib markii uu heshiiska amaahda ah ugu biiray kooxda Bayern Munich.Reds ayaa sidoo kale xiiso u qabtay saxiixa xiddiga reer Brazil laakiin may joo…

XOG: Qaabka & Wakhtiga Uu Xulka Spain U Xaqiiqsan Karo Booskiisa Tartanka Euro 2020

XOG: Qaabka & Wakhtiga Uu Xulka Spain U Xaqiiqsan Karo Booskiisa Tartanka Euro 2020

Kadib markii ay badiyeen dhamaan 6-dii kulan ee is reeb-reebka Euro 2020 ilaa haatan xulka qaranka Spain ayaa qarka u saaran in ay si toos ah ugu soo baxaan tartanka Qaarada yurub ee sanadka 2020.Waxa jira 4 kulan oo u hadhay xulka La Roja laakiin kal…

FIFA Virus Oo Soo Gaaray Chelsea Ka Dib Markii Xiddig Muhiim U Ahaa Frank Lampard Uu Dhaawac Soo Gaaray

FIFA Virus Oo Soo Gaaray Chelsea Ka Dib Markii Xiddig Muhiim U Ahaa Frank Lampard Uu Dhaawac Soo Gaaray

Frank Lampard ayaa ka walwalsan taam ahaanshaha Emerson Palmieri ka dib markii daafaca Chelsea uu dhaawac muruqa bowdada uu ku soo gaaray kulamada heerka caalami.

25 jirkaan ayaa wacdarro uga dhigayay Chelsea xilli ciyaareedkan booska daafaca bidix.

Waxa uu ahaa dooqa koowaad ee tababare Lampard ee booska daaaca bidix, iyadoo tababaraha cusub ee Stamford Bridge uu keyd u geliyay xiddiga Isbaanishka Marcos Alonso.

Laakiin Emerson ayaa kaliya garoonka ku jiray sideed daqiiqo kulankii ay Italy ka badisay Finland xalay ee isreebreebka koobka Euro 2020.

Isagoo ciyaaray 90ka daqiiqo ee buuxa kulankii Khamiista ee ay ka badiyeen Armenia, Emerson ayaa walwal geliyay Lampard iyo Roberto Mancini ka dib markii uu isku dayay inuu ceyrsado weeraryahanka Finland Teemu Pukki.

Weeraryahanka Norwich ayaana orod uga tagay Emerson kaasoo xanuun dhulka la dhacay, waxaana uu garoonka ka baxay isagoo lugta jiidaya.

SIDOO KALE AKHRISO:  Gerard Pique Oo Soo Bandhigay Wixii Uu Neymar Jr U Sheegay Kadib Heshiiskii Fashilmay Ee Xagaagan.

Haatan daafaca asalkiisa uu yahay Brazil ayaa u muuqda mid seegaya kulanka isbuuca soo socda ay Chelsea la ciyaareyso Wolves.

Tababaraha Blues ayaa sidoo kale walwal qaba madaama kulamo waa weyn ay isagu xigxigaan, ka dib kulanka Wolves waxa ay Champions League la ciyaari doonaan Valencia ka dibna kooxda hogaamineysa Premier League ee Liverpool oo booqaneysa Stamford Bridge.

Waxay sidoo kale koobka Carabao Cup wajahayaan midkood Grimsby ama Macclesfield iyo bisha September ku soo xiri doona kulan ay la ciyaarayaan kooxda Brighton.

Let’s block ads! (Why?)

Tababaraha Xulka Qaranka Italy Ee Roberto Mancini Oo Ka Warbixiyay Dhaawacii Soo Gaadhay Xiddiga Chelsea Ee Emerson

Tababaraha Xulka Qaranka Italy Ee Roberto Mancini Oo Ka Warbixiyay Dhaawacii Soo Gaadhay Xiddiga Chelsea Ee Emerson

Tababaraha Xulka qaranka Italy ee Roberto Mancini ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara kooxda chelsea iyo xulka qaranka Italy ee Emerson Palmieri kaas oo dhaawac looga saaray kulankii uu xulka qaranka Italy guusha ka…

Tababaraha England Oo Qirtay In Marcus Rashford Uusan Aheyn Gooldhaliye, Isagoo Tilmaamay Booska Uu Ku Fiican Yahay Inuu Ka Dheelo

Tababaraha England Oo Qirtay In Marcus Rashford Uusan Aheyn Gooldhaliye, Isagoo Tilmaamay Booska Uu Ku Fiican Yahay Inuu Ka Dheelo

Tababaraha xulka England Gareth Southgate ayaa qirtay in Marcus Rashford uusan aheyn gooldhaliye ka ciyaari kara No.9

Gareth Southgate ayaa sidoo kale sheegay in weeraryahanka Manchester United uu weli yahay xiddig ay shaqo ku socoto.

Rashford ayaa hogaaminayay weeraryahanka United xilli ciyaareedkan tan iyo markii uu Romelu Lukaku ku biiray kooxda Inter Milan.

Laakiin Southgate ayaa yiri: “Muddo dheer waxaan dooneynay in Marcus uu noqdo No.9 laakiin ma hubo in booskaas uu yahay halka uu ku faraxsan yahay iyo halka uu shaqadiisa ugu fiican ku soo bandhigi karo.

“Marcus weli waa uu yar yahay. 12kii ilaa 18kii bilood ee uu inala joogay waxa uu saameyn weyn ku yeeshay ciyaaraheena marka laga hadlayo goolasha iyo caawinta. Sidaasi darteed waxaan qabaa inuu weli yahay xiddig ay shaqo ku socoto.

“Horumarkii uu United ku sameeyay inta badan waa boosaska garabka, mana u maleynayo inuu u xoogan yahay sida Harry Kane marka uu dhabarka xijiyo goolka oo uu kubada koontaroolayo.

“Haddii uu ka ciyaaro booska No.9 waa uu ka duwanaan doonaa Harry – laakiin shaqadiisa ugu fiican waa marka uu ka ciyaarayo garabka bidix oo uu ka soo xaroonayo halkaas.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Liverpool, Arsenal, Real Madrid & Barcelona Oo Ay Ciyaartoy Ka Baxday Iyo Liiska Xidigaha lala Kala Wareegay Saacadihii Ugu Danbeeyay Inta Aanu Suuqu Xidhmin.

“Uma maleynayo inay taasi dhibaato tahay, waa inaan kaliya ka warqabnaa in booskaas uu ku yahay halka uu ku fiican yahay”

Let’s block ads! (Why?)