CAYMIYE: Tilmaameeyaha Tubta Toosan (W/T: Maxamed Gaanni)

CAYMIYE: Tilmaameeyaha Tubta Toosan

W/Q: Imaam al-Qasaali
W/T: Maxamed Gaanni

Hordhac

Allaha naxariista badan ayaan magiciisa ku bilaabayaa.

Mahad oo idil waxaa iska leh Eebbaha mahadnaqiddiisa lagu bilaabo dhigane kasta iyo maqaal walba. Naxariis iyo nabadgalyo dushiisa ha ahaato Muxammadkii uu doortay ee nebinnimada iyo farriingudbinta uu isugu daray. Sidaa oo kalena ehelkiisa iyo asxaabtiisii dadka ka badbaadiyay baadinnimada, dushooda naxariis iyo nabadgalyo ha ahaato.

Intaa ka dib, walaalkayga diintoow, waxaad iga codsatay in aan kuu kala dhigdhigo yoolka cilmiga iyo sirtiisa, mad-habyada guntooda iyo gefafkooda, iyo in aan kaaga warramo wixii aan dhib kala kulmay si aan xaqa ugala soo dhexbaxo firqooyinka isku walaaqan ayada oo aan og nahay in tubtooda iyo tabtooduba ay kala duwan yihiin; in aan kaaga sheekeeyo dhiirranidaydii aan kaga tallaabay dhiiqada garbatabsiga ee i gaarsiisay oogada waxgaradnimada; in aan kaaga warbixiyo ugu horrayn wixii aan ka faa’iiday cilmi-kalaamka (falsafocaqiideedka), mar labaadka wixii aan ka kahday tubta xerownimada ee xaqa ku koobtay garbatabsiga imaamkooda, mar saddexaadka wixii agagas ila noqday ee toobiyaha falsafadaynta iyo ugu dambayn wixii aan ku qancay ee jidka suufiyoobidda. Waxaad dalbatay in aan kuu tebiyo wixii aan ogaaday intii aan kala haadinayay weeraha uumiyaha, jawhartii xaqana aan ka dhex goobayay, wixii aan uga duday faafintii cilmiga ee aan Baqdaad ka waday ayada oo ay ardayduna badan yihiin iyo waxa dib iigu soo celiyay Naysaabuur oo aan ka maqnaa muddo dheer.

Waa anigaa durba dalabkaagii ka jawaabay ka dib markii aan hubsaday in aad daacad tahay. Aniga oo Alle kaalmaysanaya, talasaaranaya, waafajin ka doonay oo magangalaya ayaan leeyahay:

Eebbe ha idiin samofalo, ha idin hanuuniyo oo hoggaankiinna mid xaqa raaciddiisa u nugul ha ka dhigee, waxaad ogaataan: in khilaaf diimeedka uumiyaha iyo midka imaamyada mad-habyaalku oo ah firqooyin badan oo dhabbada ku kala leexday uu yahay bad gun dheer oo ay ku maanshoobeen badi dadku, wax ka baxsadayna ay yar yihiin. Koox kasta waxay sheeganaysaa in ay ayadu tahay tan keli ah ee caymanaysa, “qolo walba waxay haystay ku faraxsan tahaye”, waxay isu caleemo saartay in ay tahay tii uu sayidkii ergada Alle ee runta badnaa (N.N.K.H) uu ku sheegay oraahdiisii ahayd: Ummadaydu waxay u kala qeybsami doontaa toddobaatan iyo saddex kooxood, hal mid ayaana badbaadi doonta”! Wixii uu sheegay in yar baa loo jiraa.

Tan iyo yaraantaydii markii aan qaangaar ku dhawaaday, labaatan jir ka hor ilaa iyo hadda oo kontonkii sano ay wax ii dheer yihiin waxaan dhex jibaaxayay mawjadaha baddaan gunta dheer, waxaan dhumabanayay moolkiisa aniga oo dhiirran, aan la mid ahaynna fulayga isdhawridda badan. Mugdi kasta dalaq ayaan lahaa, mushkilad kasta waan ku boodi jiray, dabin kasta waan jiiri jiray, koox walba caqiidadeeda ayaan baaritaan ku samayn jiray, waxaan daaha ka rogi jiray siraha mad-hab walba oo ay kooxi haysato. Waxaan sidaa u yeelayay waxay ahayd in aan kala ogaado kan xaqa ku taagan iyo kan baadilka daba rooraya, kan sunnada haysta iyo kan bidciga ah. Uurku-beenlaha kama boodi jirine, waxaan jeclaa in aan ogaado waxa u duugan; daahiriyada ma dhaafi jirine, waxaan dooni jiray in aan barto natiijada cilmi daahirkooda; kama dudi jirin faylasuufyada e, waxaan u heellanaan jiray in aan hubsado xaqiiqada falsafaddooda; falsafocaqiideedlaha kama luudi jirine, waxaan ku dedaali jiray in aan dhuuxo gunta hadalkiisa iyo dooddiisa; isma dhaafin jirin suufiga e, waxaan u qalab qaadan jiray in aan dheehdo sirta suufinnimadiisa; kama dheeraan jirin caabidka e, waxaan u cimilgalayn jiray dheefta uu ka helo; uurku-gaallada tilmaamaha Alle inkira kama aanan fogaan jirine, waan dabageli jiray si aan ugu baraarugsanaado sababaha ay ugu dhiirranayaan gaalnimada iyo dafiridda tilmaamaha Eebbe.

Laamaha cilmigooda marka loo eego saabsanaha dartii loo baranayo waa lix: Xisaab, Mandiq, Debeeci, Abuure, Siyaasad iyo Akhlaaq.

Kan xisaabeedka waxaan ka wadnaa:cilmiga Xisaabta, Injineeriyada iyo Juquraafiga. Cilmigaan oo idil kuma ay jiraan wax la xiriira diinta, aaminid iyo ku gaaloobid toonna. Haddii uu qofku barto oo uu fahmo xujooyinka ay ku dhisan tahayna, wax uu ku diidi karayo ma jiraan. Balse waxaa cilmigaan ka dhashay laba aafo:
1. Qofkii dhugta oo u daymo lahaada waxaa ka yaabiya sida ay u sugan tahay qaacidooyinkiisu, xujooyinka ay ku dhisan yihiinna ay u yihiin kuwo cad oo aanay xayaabo saarnayn, deetana wuxuu aamminaa in dhammaan faylasuufyada cilmigoodu uu sidaa oo kale u yahay waadax, laguna kalsoonaan karo.

Qofka sidaa ahi kolka uu maqlo gaalnimada ay ku dhaceen faylasuufyo badani iyo sida aysan shareecada dan uga lahayn ayuu carrabkiisa ku kasbadaa gaalnimo ay sababteeda leedahay ku dayashada indhaha la’ ee uu falaasafada ku dabogalay. Wuxuu la soo boodaa: “hadii ay diintu xaq tahay, kuwan ay sidaa aqoontoodu tiirarka adag ugu dhisan tahay kama aanay qarsoonteen. Dhegihiisii ay ku badatay in faylasuufyo badani ay gaalo yihiin ayaa carrabkiisa ka keenta in uu yiraahdo “xaqa la sheegayaba waa diinta ay falaasfadaani aammini waayeen oo la inkiro”. Badanaa inta xaqa ka luntay, sababtuna ay tahay in ay daliil ka dhigteen weedhaas oo qura.

Qofka noocaan ahi aqbali maayo haddii loo sheego in qofka cilmi hebel ku takhasusay aanay ka dhignayn in uu cilmi walba ku takhasusay; kan fiqiga iyo falsafada bartay aanay Khasab ahayn in uu yaqaanno cilmiga caafimaadka; kan culuumta caqliga xiriirka la leh aan aqoonnin aysan ka dhignayn in uusan naxwaha aqoon, taa beddelkeeduna ay tahay in cilmi walba uu leeyahay dad ku takhasusay oo heer lagu daydo gaaray, balse ka jaahil ah culuum kale. Adduunyo jacaylka ka xoog batay, baagamuuddada ka badatay iyo isumuujintiisa in uu caqli badan yahay ayaa ku khasbaysa in uu malaha u wanaajiyo duulkaa oo keligood ku kalsoonaado.

2. Aafada labaadi waxay ka curatay duul islaamka la saaxiib ah balse jaahiliin ah. Waxay aammineen in diinta u gargaariddeeda ay ka mid tahay in la inkiro cilmi kasta oo qoladaa loogu abtiriyo. Waxay inkireen dhammaan aqoontii duulka oo ay ku tilmaameen jaahiliin. Waxay inkiraaddu la gaartay in ay dafiraan sida ay falakiyiintu u sharxeen qorrax madoobaadka iyo dayax madoobaadka; waxay ku andacoodeen in warka duulkaan iyo shareecadu ay iska hor imaanayaan.

Qof kasta oo culuumta nimankaan wax ka fahmsanaa, shakina aan ka qabin kolkii uu maqlay warkaan ayuu aamminay in diinta islaamku ay ku dhisan tahay jaahilnimo iyo dafiridda xujooyinka lama buriyaanka ah, deetana falsafaddii ayuu caashaqay, islaamkiina waa uu nacay.
Denbi aad u weyn ayay islaamka ka galeen dadka ku hawlan in ay islaamka ugu gargaaraan inkiridda culuumtaan, maxaa yeelay? Islaamku sugid iyo dafirid toonna kuma uusan darsan culuumtaan, ayaduna ma faragashan diinta iyo arrimaheeda.
Weedhii uu Nebigu SCW yiri ee ahayd:

“Qorraxda iyo Dayuxu waa aayad iyo astaan ka mid ah aayadaha Ilaahay, qof dhimashadi iyo noloshiisa toonna uma madoobaadaan; kolkii aad arrimahaas aragtaan Xuska Eebbe iyo Tukashada u degdega” kama ay dhigna oo macnaheedu maaha inkirid xisaabta lagu barto socodka qorraxda iyo dayaxa, kulmiddooda ama iskubeegmiddooda toonna.”

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR