Chelsea FC oo xiiseynaysa in ay lasoo saxiixato labo daafac inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga.

Chelsea FC ayaa isha ku hasya qaabka ay ula soo saxiixan laheyd laba daafac si ay ugu xoojiso daafacyadeeda xilli ciyaareydka soo aadan.

Waxaa ay dooneysa in ay lasoo saxiixato Newcastle United kabtan keeda Jamaal Lascelles iyo Napoli daafaca u ciyaara ee Raul Albiol kuwaasoo daaqada kala iibsiga inta uu furanyahay ku rajo weyn lasoo wareegitaanka daafacyadaani.

Daily Mail ayaa laga soo warinayaa Blues in ay dooneyso horumar in ay ku sameyso daafacyadeeda kaasoo niyad jab uu ku furnaa tan iyo Conte inta uu kooxda hayey markii laga hadlayo suuqa kala iibsiga.

Waxaa ay wararka kusii darayaan Chelsea in muddo dheer ay ku raad joogtay Lascelles kaasoo ay dooneysay muddo dheer in ay ka garab ciyaarsiiso Gary Cahill.

Mid taa la mid ah waqooyiga London waxaa laga sooo warinayaa Napoli daafaceeda Albion in lala xeriirinayey kooxda booska shanaad ee horyaalka EPL ku dhameysatay sanadkii lasoo dhaafay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR