Chelsea Oo Tubta Guusha Ku Soo Laabtay Xili Ay Stamford Bridge Guul Muhiim Ah Kaga Gaadhay Aston Villa.


Chelsea ayaa tubta guusha ku soo laabtay kadib markii ay Stamford Bridge ku garaacday kooxda Aston Villa. Waxaa Blues guushan muhiimka ah ku hogaamiyay Abraham iyo Mount kuwaas oo min hal gool dhaliyay si ay Lampard culayskii haystay uga dul qaadaan.

Chelsea ayaa ka soo kabsatay dhibaatadii kulamadii ugu danbeeyay ka soo gaadhay si ay u sii xoojiso hamigeeda kaalmaha sare ee Premier League.

DAQIIQADII 24 AAD Chelsea ayaa heshay goolkeeda furitaanka waxaana jamaahiirta Blues goolkan kaga farxiyay Tammy Abraham oo ku soo laabtay shaxda Lampard wuxuuna goolkan ku dhaliyay caawin uu ka helay R. James.

Goolkan ayaa u muuqday mid Chelsea siinaya kalsooni buuxda laakiin Aston Villa ayaa dagaal wayn u gashay in ay ciyaarta ku soo laabto kadib markii ay Chelsea awoodi kari wayday in goolal kale keensato qaybtii hore ee ciyaarta.

Advertisements

DAQIIQADII 41 aad ee dhamaadkii qaybtii hore ayay kooxda martida ahayd ee Aston Villa u suurtogashay in ay Chelsea dib ugu soo celiso shaqadii ay goolka furitaanka ku yaraysay kadib markii uu  Trézéguet dhamaystiray caawin uu ka helay Ahmed El Mohamady.

Ciyaarta ayaa noqotay barbaro 1-1 ah waxayna Aston Villa awooday in ka hor dhamaadkii qaybtii hore ay ciyaarta barbaro ku soo celisay.

Daqiiqadii 48 aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta Chelsea ayaa markiiba heshay goolkeeda labaad ee ay Aston Villa markale xaalada ugu adkaysay waxaana goolkan u dhaliyay Mason Mount kaas oo caawin ka helay Abrham oo goolkii furitaanka dhaliyay.

Chelsea ayaa shaqo badan u qabtay sidii ay goolka saddexaad u raadsanaysay waxayna ku fikirayeen in ay Aston Villa ugu quus gooyaan gool labaad oo ay ciyaarta ka dhaliyaan balse Blues ayaa fursado badan lumisay.

Aston Villa oo ilaa dhamaadkii ciyaarta rajo ka qabtay in ay soo laabto ayaa ugu danbayn quusatay waxayna ciyaartu ku dhamaatay 2-1 ay Chelsea guul muhiim ah kaga gaadhay Aston Villa taas oo Blues ka caawisay in ay tubta guusha ku soo laabatay.

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR