Ciidamada amniga oo Muqdisho ku qabtay Sarkaal kooxeed ka tirsan Al Shabaab

Hawlgal qorshaysan oo ka dhacay Muqdisho 21-kii bishan ayay Ciidamada Amniga ku soo xireen Horjooge kooxeed ka tirsan Amniyaatka Al Shabaab, waxuuna ahaa horjooge koox Shabaab ah oo qaabilsan Khaarijnta.

Sarkaalkan ayaa ka dambeeyay abaabulka iyo hogaaminta dilal badan oo loo gaystay dad waxtar leh.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku hawlan tahay dabargooynta argagixisada Al Shabaab si looga badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed dhagartooda.

Waa hawlgalkii Saddexaad oo todobaadkaan gudihiisa talaabo looga qaaday Argagixisada Al Shabaab.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR