Ciidamada dowladda oo xiray wadooyinka Muqdisho

Wadooyinka Magaalada Muqdisho, ayaa saaka ah kuwa xiran, kadib markii Ciidamada Booliska ee Muqdisho ka hawlgala ay xireen wadooyinka.

Waxaa xiran dhamaan Isgoysyada ka yimaada wadada wadnaha ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo Ciidamada ay u diidayaan inay kasoo gudbaan gaadiidka rayidka.

Kaliya waxaa la ogol yahay wadada Maka Al-Mukarama inay ku socdaan gaadiidka dowladda, gaar ahaan kuwa Ciidanka ammaanka sugaya ee Muqdisho ka hawlgala.

Ciidamada ammaanka ayaa xalay waqti dambe la soo dhoobay wadooyinka Muqdisho oo ay xireen, sida Saraakiisha ay inoo sheegeen.

Sababta loo xiray Wadooyinka Muqdisho ayaa lagu sheegay inay tahay imaanshaha Wafdi ka socda dalka Jabuuti oo maanta soo gaaraya Magaalada Muqdisho.

Inta badan madaxda sare marka ay soo gaarayaan Muqdisho ayaa waxaa loo xiraa wadooyinka si loo sugo ammaanka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR