Ciidamada Kenya oo bilaabay inay isaga baxaan Soomaaliya.

GARBAHAAREY (IDIL NEWS)-Ciidamada
Dowladda Kenya ee ku sugan Degaanada Dowlad Gobaleedka Jubbaland, gaar ahaan
Gobalka Gedo ayaa bilaabay in ay ka baxaan degaanadaasi oo ay horay uga
qabsadeen Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Maamulka Gobolka Gedo oo la
hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidanka Kenya Saacaddihii ugu dambeeyay ay
ka baxeen degaano dhowr ah, islamarkaana loo baahan yahay in lala socdo dhaq-dhaqaaqyadda
Ciidanka Kenya ee Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa shalay si lama filaan ku noqotay Mas’uuliyiinta Gobolka
Gedo ee Soomaaliya uga baxay Magaalada Faaxadhuun ee Gobolka Gedo, taasi oo
markiiba ay la wareegeen Al-Shabab.

Sidoo kale, Waxaa jirta cabsi
ah inay ciidamada Kenya ka baxaan Magaalada Busaar oo ay kaga harsan yihiin
Gobolka Gedo, taas oo sabab u noqoneysa in Al-Shabaab ay dib ugu soo laabtaan
Degaanadii gacantooda ka baxay sanadihii tagay.

Bixitaanka Ciidamada Dowladda
Kenya ee degaanada Gobalka Gedo, ayaa kusoo aadaysa Iyadoo khilaaf dublamasiyadeed
uu ka dhex jiro Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, kaas o salka
ku haya Muran bada ee labada dal.

IDIL NEWS

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR