Ciidamo ka wada tirsan Dowladda oo ku dagaalamay Magaalada Muqdisho

Dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda ayaa duhurnimadii maanta waxa uu ka dhacay meel ku dhaw isgoyska Tarbuunka ee Degmada Hodan.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan Dowladda gaar ahaan Millatariga iyo Booliska, sida ay inoo sheegeen goobjoogayaal.

Labada dhinac ayaa isku heysta dhismo laga sameynayay guri ku yaalla Warshadii hore ee COCA COLA oo u dhaw isgoyska Tarbuunka.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in goobta laga qaaday dhawr qof oo ay waxyeeleysay rasaasta ciidamada u dhaxeysay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa ku guuleystay inay kala dhex galaan ciidanka dagaalamay.

Waxaa socota waan waan ku aadan sidii loo soo afjari lahaa dhulka ay isku heystaan dhinacyadan, si dhiig kale uusan halkaasi ugu daadan.

Dhawr mar oo hore ayaa sidan oo kale waxaa aagga Tarbuunka ugu dagaalamay ciidamo ka wada tirsan Dowladda oo hab beeleed u abaabulan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR