CoronaVirus Dheelalowga ma Inaga toosin karaa? (WQ: Dr-abdikarim D Hassan)

Mudadan ay socotay aafada CoronaVirus waxa furinta ku jira xirfad la’yaasha caafimaadka. wadankasta oo  xannuunku kadilaacay cidda ugu horaysa ee khatarta ugu waynu ay soo wajahday waa dhakhtarada. Iyadoo shaqaalaha caafimaadku ay howl nafhurid ah ku jiraan oo markasta ay dhimaso qarka u saaran yihiin ayaa haddana waxa si gaar calanka u sida saddex takhasus oo si gaar ah howsha ugu wayni ku habsatay.

Pulmonologist waa dhakhtar ku takhasusay cudurada neef mareenka; baadhitaankooda, astaamahooda, iyo maarayntooda. Intensivist (critical care specialist) waa dhakhtar shaqadiisu tahay badbaadinta xaalada adag ee daryeelka gaarka ay u baahan; xaaladaha lagu baxnaaniyo (Intensive care units).

Takhasuska sadexaad inkastoo aanuu waadhadhka gurmadka degdega ah ka howl gelin, hadana waa takhasuska soo diyaariya luqada aduunku isku afkarto marka laga wada hadlayo sida xannuunadu u bilaabmaan, siday u fidaan, wakhtiga ay qaataan si ay goobo fogfog u gaadhaan,iyo duruufaha caawinkara faafida cudurada ama joojinkara.

Waa aqoonta sal-dhiga u ah warbixinaha joogtada ah ee ururka caafimaadka aduunku uu qaybinayay mudadii Aafadani socotay: aqoontan waxa la yidhaa Epidemiology.

Labada takhasus ee hore (Pulmonologist iyo Intensivist) waxay lagama maarmaan u yihiin badbaadinta qofka marka uu xannuunka CoronoVirus lasoo dhaco. Takhasuska sadexaad (Epidemiologist) waxa loo baahday si loo darso xannuunka dabeecadiisa; isbedbedalkiisa, xawaaraha uu ku gudbi karo,  iyo sida uu uga gudbi karo gobol iyo gobol.

Maanta wadankasta waxa uu isku halaynayaa wixii uu aqoon iyo aduun haystay. Waxa uu howl gelinaya dadkii uu ku tabcay ee sanado badan la maal geliyay si wakhtiyada adag ee maanta oo kale ah loogu badbaado. Wadamadii aduunka ugu aqoonta iyo aduunka badnaa ayaa la daalaa dhacay wax ka qabashada fayraska Coronavirus.

Su’aashu waxa weeye imisa dhakhtar oo takhasus-yada aynu sheegnay leh ayaa wadankeena jooga?. Sida ay xaqiijiyeen daraasadaha hordhaca ah ee kasoo baxay wadamada uu Fayrasku darbada adag ku dhuftay; dadka khatarta ugu wayn ku jiraa waa dadka da’doodu ka wayn tahay 55 sano una weheliso xanuun ama sigaar qiijin.

Waxa la ogaaday qofka xannuunku ku dhacaa waxa uu yeeshaa calaamaha durayga mudo sadex cisho ku siman, ka dib inta badan way kasoo reeyaan, waxaanay ku bogsadaan 10 ilaa 14 maalmood. Hasayeeshee, dadka qaar xannuunku waxa uu hoos ugu degaa sanbabka oo uu caabuq xoog badan ku abuuraa. Mudo yar kadib sanbabku shaqada ayuu gabaa, qofkana waxa ku adkaata in uu neefsado.

Xalka qofka lagu badbaadin karaa waa in mishiin neefsiga ka caawiga qofka lagu rakibo, laguna baxnaaniyo waadhka ICU-gu.  Badbaadinta qofku waxay ku xidhan tahay labadaa arimood ee kala ah in la helo mishiinkii qofka ka caawin lahaa neefsashada iyo xirfad yaqaankii ku rakibi lahaa kuna baxnaanin lahaa.

Dadka ilaa imika dhintay waa intii labaaba lagu badbaadin kari waayay. Waxaadse ogaataa in kumannaan bukaan ah oo xaalkoodu xabaal qarka u saarnaa lagu badbaadiyay aqoon iyo aduun mudo dheer la dhiteeyay.

Usoo noqo degalkeena iyo duruuftiisa, imisa mishiin ayaa inoo yaala? Imisa xirfad yaqaan gaadiiday ayaa inoo diyaar ah?. Waxa xaqiiqo ah in muwaadin kasta oo xog’ogaal u ah duruufaha nidaamka caafimadka dalka su’aalahaa jawaabahoodu calool xanuun iyo murugo ku abuurayaan. Xaqiiqadu waa “Cidna uma maqna ceelna uma qodna”

Umaduhu xaaladaha adag waxbay ka bartaan; aafooyinka dabiiciga ah, xannuunada faafa iyo kuwa la midka ah. Marka ay ku dhaafaan waxa laga tashadaa sidii casharo looga faa’iidaysan lahaa. Waxa la is waydiiyaa maxaynu ku fiicnayn? Maxaynu ka gaabinay? Maxay ahaayeen caqabadihii inaga hor yimid? Sidee ayaynu uga gaashaaman karnaa in aan mar danbe diyaar garow la’aani inagu dhicin? Waxa mudan inla iswaydiiyo yaa mas’uuliyadeedii ka gaabisay?.

Shanta milyan ee Somaliland ku nool iyo dowladoodu waa in talo isugu isugu noqdaan. Ma sidan ayaynu nolosha dulsaar ugu sii ahaanaa oo dayrka xadaarada ayaynu dibada ka soo khaawisnaa, mise waxaynu u xusul duubnaa sidii aynu bani’aadamka uga mid noqon lahayn oo togba taagtii buu rogmadaaye, cududeena ayaynu isku darnaa sidii aynu sidan u dhaami lahayn.

Marka la eegayo halbeegyada caafimaadka aduunka, cusbitaaladeena lama odhan karo waa cusbitaalo dhab ah oo u diyaar ah in ay daboolaan baahida caafimaad ee maalin laha ah; iska dhaaf in ay wax ka qaban karaan dhibaatada aduunka imika taagane.

Xirfada dhakhaatiirta, agabka caafimaadka , nidaamka shaqada, iyo go’aan qaadashada caafimaadku intaas midna uma dhisna sidii loo baahnaa. Waxa aynu u baahanahay in caafimaadku noqdo mashruuc qaran. Maxay kula tahay??

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR