Cristiano Ronaldo, Lionel Messi Mise Ronaldo Nazario? Tababare Jose Mourinho Oo Doortay Ciyaartoyga Ugu Fiican Taariikhda.


Tababaraha haatan xaalada shaqo la’aanta ah ku jira ee Jose Mourinho ayaa ka jawaabay su’aasha ah inuu doorto ciyaartoyga uu filanayo inuu yahay midka ugu wanaagsan taariikhda kubadda cagta.

Mourinho ayaa mudo ku dhaw sanad aan shaqo tababarenimo oo rasmi ah qaban iyadoo bishii December ee sanadkii 2018 laga diray kooxdiisii hore ee Manchester United isla markaana uu shaqada kala wareegay Ole Gunnar Solskjaer.

Jose ayaa tan iyo wakhtigaas lala xidhiidhiyaya kooxo dhawr ah oo ay ugu magac weyntahay Real Madrid balse ilaa haatan magacaabis rasmi ah ma uusan helin.

Si kastaba, Tababaraha ree Portugal oo la fadhiistay il wareedka LiveScore isla markaana la weydiiyay inuu midka ugu fiican taariikhda u kala doorto Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa labadaba ka gudbay isagoo xushay Ronaldo Nazario.

Mourinho ayaa sheegay in Ronaldo iyo Messi ay in ka badan Ronaldo Nazario soo joogeen heerka ugu sarreeya ee kubadda balse uusan jirin mid halyeeyga ree Brazil kaga fiican hibada iyo xirfada labadaba.

Jose ayaa yidhi “Ronaldo, Midkii cajiibka ahaa, Cristiano iyo Messi waxay qaateen waayo ciyaareed oo ka dheer, Waxay joogeen halka ugu sarreysa maalin kasta 15 sano”.

“Si kastaba, Haddii aynu si adag uga hadalno wax ku saabsan hibada iyo xirfada, Ma jiro mid dhaafaya Ronaldo, Markii aan Barcelona la joogay Bobby Robson, Waxaan yaqiinsaday inuu yahay ciyaartoyga ugu xoogan ee abid lagu arkay garoonka”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR