Cristiano Ronaldo oo ka warbixiyay farqiga u dhexeeya isaga iyo Lionel Messi

(Yurub) 13 Agoosto 2019. Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in farqiga u dhexeeya isga iyo Lionel Messi uu yahay inuu u ciyaaray kooxo badan isla markaana uu kula guuleystay koobka ​​Champions League naadiyo kala duwan.

Xiddiga reer Portugal ayaa kula soo guuleystay koobka Champions League kooxaha Manchester United iyo Real Madrid isla markaana wuxuu rajeynayaa inuu markale la qaado kooxda uu haatan ku sugan yahay ee Juventus, halka Lionel Messi uu xirfadiisa ciyaareed oo dhan uu ku qaatay Barcelona oo kaliya.

34 jirka reer Portugal ayaa wareysi uu ku bixiyay “DAZ” wuxuu ku sheegay:

“Farqiga inoo dhexeeya aniga iyo Messi ayaa ah inaan u soo ciyaaray kooxo dhowr ah, waxaala kula guuleystay koobka ​​Champions League naadiyo kala duwan”.

“Waxaan soo ahaa gooldhaliyaha ugu sareeya Champions League 6 xilli ciyaareed oo isku xigta, mana jiraan ciyaartoy badan oo ku guuleystay Champions League 5 jeer, sidaas darteed waa sababta aan magaca ugu yeeshay tartankan”.

“Messi waa ciyaaryahan aad u wanaagsan, laguma xasuusan doono kaliya abaal-marinadii Ballon d’Or uu ku guuleystay, ee sidoo kale wuxuu sameeyay horumar, aniga oo kale, sanadba sanadka ka dambeeya”.

“Subax kasta waxaan soo toosaa anigoo madaxeyga ku sita fikrada ah inaan sameeyo tababaro dheeri ah, kaliya maahan in lacag ka sameeyo, sababtoo ah lacag igama dhina, sidaas darteed waxa kaliya aan doonayo ayaa ah inaan kasbado boos taariikh ku leh kubada cagta”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR