Daafac Ay Mudo Dheer Daba Socotay Manchester United Oo La Qiimo Jabiyay Xilli Tartankiisa Ay Soo Galeen Barcelona Iyo Juventus.

Jamaahiirta kooxda Manchester United ayaa helaya war u fiican maadaama ay Tottenham soo yaraysay qiimaha daafaca ree Belgium ee Toby Alderweireld oo ay mudo dheer saxeexiisa suuqa ugu jireen.

Qorshaha dib usoo xoojinta Man United ee suuqa xagaaga ayaa ku bilaaban kara saxeexa Alderweireld kaas oo diiday inuu wax heshiis kordhin ah u sameeyo kooxda ree London.

Heshiiska daafacan ayaa markii hore dhacayay suuqa xagaaga balse Tottenham ayaa bishii January ka shaqaysiisay qoddob heshiis kordhin hal sano oo kale ah kaas oo u ogolaanaya inuu kooxda kaga baxo kaliya 26 Milyan walow markii hore ay ku doonayeen 75 Milyan.

Man United ayaa marka hore ku qasban inay xoojiso rabitaankeeda 30 jirkan si ay ugaga adkaato saxeexiisa kooxaha Barcelona iyo Juventus oo qudhoodu qayb ka ah rabitaankiisa.

Dhinaca kale, Red Devils oo ku qasban inay marka hore kala fududeeyaan daafacyada dhexe ee kooxdooda ayaa dhagaysan doona dalabaadka u imanaya Eric Bailly oo ahaa xiddig uu Jose Mourinho keenay Old Trafford sanadkii 2016.

Ugu dambayn, Tababaraha sida KMG ah haatan ku jooga Manchester ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa la filayaa in si rasmi ah kooxda loogu dhiibo waxaana sidoo kale gacanta loo gelin doonaa lacag uu suuqa ku galo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR