DAAWO: Alisson Becker Oo Ter Stegen & Ederson Ku Garaacay Abaal Marinta Goolhayaha Aduunka Ugu Fiican Ee Trophée Yachine.


Goolhayaha kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Brazil ee Alisson Becker ayaa ku guulaystay abaal marinta France Football soo kordhisay sanadkan ee Trophée Yachine oo ah abaal marinta gool hayaha sanadka ee aduunka ugu fiican.

Alisson Beceker ayaa abaal marintan ku garaacay goolhayaha kooxda Barcelona ee Marc-Andre ter Stegen oo kaalinta labaad galay iyo Ederson oo ay Alisson isku xulka Brazil yihiin.

Alisson Becker ayaa codbixintii la sameeyay kaalinta kowaad ka galay wuxuuna abaal marinta Trophée Yachine ka qaaday Ter Stegen oo kaalinta labaad ka galay codbixintii la sameeyay halka Ederson uu kaalinta saddexaad ku dhamaysatay.

Alisson Becker ayaa Liverpool ka soo caawiyay koobkoodii lixaad ee UEFA Champions League halka uu xulka qarankiisa Brazil ka soo caawiyay Copa America 2019  isaga oo soo qaatay sanad cajiib ah.

Advertisements

Goolhaye Alisson Beceker kaliya kumuu guulaysan abaal marinta goolhayaha aduunka ugu fiican, balse waxa uu sidoo kale awooday in uu kaalinta 7 aad ka galay abaal marinta xidiga aduunka oo dhan ugu fiican ee Ballon d’Or.

Alison oo aan hore ugu soo bixin tobanka xidig ee ugu sareeya Ballon d’Or ayaa sanadkan soo sameeyay wacdaro uu ku mutaystay in uu xawaare layaableh ku dhaqaaqay.

Halkan ka daawo muuqaalka markii uu Alisson Becker abaal marintan gudoomayay.

Alisson Becker ayaa u mahad celiyay ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxdiisa Liverpool wuxuuna sheegay in Van Dijk oo xaflada joogay uu iyaga wakiil ka yahay isla markaana uu dhamaantood u mahad celinayo.

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR