Daawo: Gonzalo Higuain Oo Laaday Tababare Kooxdiisa Ah Kadib Markii Uu Xanaaqay Isaga Oo Tababarka Ku Jira

Weeraryahanka Kooxda Juventus ee Gonzalo Higuain ayaa laaday mid ka mid ah shaqaalaha tababarka Kooxda Juventus kadib markii uu xanaaqay kadib markii la ceebaystay intii uu ku jiray tababarka .

Weeraryahanka ayaa ku jiray dhexda xilli ay xiddigaha Juventus ciyaarayaan dhex-gal waxana uu ku cadhooday mid ka mid ah tababarayaasha kooxda Juventus.

Kadib markii ay xiddigaha Juventus ceebaysteen Gonzalo Higuain waxa ay kamerooyinku qabteen iyada oo uu 31 jirku laaday mid ka mid ah tababaraha kooxda ka hor inta uuna ku cadho bur-burin boodh xayaysiis ah.

Gonzalo Higuain ayaa si deg-deg ah u dagay iyada oo uu dib ugu soo laabtay tababarka kooxda Juventus.

Juventus ayaa isku diyaarinaysa kulanka ay La ciyaari doonaan kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsan tartanka champions League.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka:

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR