Daawo Nuxurka Kullan Albaabadu U Xidhan Yihiin Oo Ay Yeesheen Wasiirka Waxbarashada S/Land Iyo Dalada Waxbarashada Ahliga Ee ALFAJRI Somaliland.

Hargeysa-(BON)-Hogaanka Sare ee wasaarada Waxbarashada Somaliland oo uu hogaaminayo Wasiir Feretoon iyo Kaadiriinta Sarsare ee Dalada Waxbarashada Gaarka loo leeyahay Ee ALFAJRI Somaliland ayaa kullan albaabadu u xidhan yihiin shalay ku yeeshay Xafiiska Wasiirka.

Kullankan oo ay saxaafadu dibad joog ka ahayd ayaa waxaa wasiirka ku wehilanaya wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha Guud Ee Wasaarada.

Nuxurkan Shirkan oo ahaa mid xafidan balse aynu helnay ilo ka agdhawaa kulankaas ayaa waxa ay noo xaqiijiyeen ina laga wada hadlay qodobo badan oo bahhada waxbarashada iyo ubadka la hayo u dan ah waxaana ay intaas ilahaasi ku dareen in qodobadaas sida weyn loo lafa guray aya ka mid ahaayeen qaarkood:
1. Kordhinta Miisaaniyada Wasaarada Waxbarashada.

2. Adkad xidhiidhka wasaarada iyo dhamaan bahda waxbarashada.
3. In wasaaradu ay cadayso waajibaadka lagu leeyahay dugsiyada communitiga, iyo xuquuqda ay ku leeyihiin wasaarada.
4. In dib u eegis iyo qiimayn lagu sameeyo, wasaarada iyo guud ahaan bahda waxbarashada,si loo ogaado horumarka aynu samaynay iyo wixii aan inoo qabsoomin iyo waliba halka aynu kaga jirno waxbarashada caalmaka.

5. Waxaa si fiican loo xusay in xiligii dawladii riyaale ay bahda waxbarashadu u sinaayeen waxqabadka wasaarada.
6. waxaa mas’uuliyiinta wasaarada loo sheegay Baahida keentay in lasameeyo dallada Al-fajri, waxayna sheegeen inay ka dhalaty sidoo loo heli llahaa isku xidh fiican oo ka dhaxeeya bahda waxbarashada communitiga, loona fududeeyo wasaarada waxbarashada in ay si fudud u hesho wixii ay uga baahato dugsiyada.
7. In wasaaradu ay maankeeda la kaashato wixii ay maqasho oo ay daraasad ku samayso si looga fogaado dhamaan wixii keenaya shaki iyo hubsiimo la;aan.
8. Wasaaradu waa in ay dajisaa dhamaan wixii shuruuc ah ee lagu hagayo dhamaan waxbarashada wadanka, public iyo Community.

Hadaladaasi waxay ahaayeen hadaladii ay soo bandhigeen ee mas’uuliyintii ka socday Dalada Alfajri la hortageen wasiirka iyo ku xigeenkiisa.

Dhanka kale ilahan xogogaal ahi ee aynu warka ka helanay ayaa waxa ay noo sheegeen In Maamulka Sare ee Wasaarada Waxbarashadu iyaganu ay soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah kuwaas oo ay ka mid ahaayeen.

Hadaba wasiirka iyo ku xigeenkiisu waxay talo ku bixiyeen sidan:
1. In wixii sharicya ee kasoo baxa wasaarada lawada qaato, oo meesha laga saaro jahwareerka iyo is afgaranwaaga u dhaxeeya dhamaan bahda waxbarashada dalka.
2. In aynu wada tashano oo aynu u hawl galno sidii aynu wax u qabanlahayn ubada dalkeena, si loo helo mustaqbal fiican oo ay wada helaan dhamaan bulshada reer Somaliland.
3. In hal jiho loo wada socdo oo gacmaha la is qabsado, wixi khilaaf ahna lagu wada xaliyo is afgarad.
4. Waxay wasaaradu aqoonsantahay doorka dugsiyada (Community) ee ay ku leeyihiin horamarka iyo waxqabadka wadanka.

5.In Wasaaradu aysan cadaw ku ahayn Dugsiyada bulshadu leedahay, balse ay tahay muhiimadu in la wada tashado meelna wax la isla dhigo.
6.waxa kale oo ay sheegeen in wasaaradu ay u hawlgalayso diyaarinta dhamaan wixii sharci ah ee hagaya waxbarashada guud ahaan , lana ilaaliyo shuruucdaas.
7.In wixii xuquuq iyo waajibaad lawada leeyahay si wada jira loo dhamaystiranyahay.
Ugu Danbayn waxa ay labada dhinac ku balameen Shirweyn oo waqtigiisu uunan dheerayn , si loo wada tashado oo meel wax la isla dhigo.

Xafiiska Wararka BooramaOnline.Com

Hargeysa-Somaliland

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR