Daawo Safiirkii Dalka Maraykanka U Fadhiyay Dalka Panama Oo Sabab La Yaab Leh Isku Casilay.

Panama-(BON)-Safiirkii dowladda Mareykanka u fadhiyay dalka Panama ayaa iscasilay isagoo iscasilaadiisa sabab uga dhhugay inuusan la shaqayn Karin Madaxwayne Donald Trump.

John Feeley oo horrey u ahaan jiray duuliye ayaa yiri “Waxaa sharaf ii ah in aan iscasilo.

Arrintani jawaab toos ah uma aysan ahayn hadalkii la sheegay in Mr Trump uu ka soo yeeray kaasoo uu ugu gefey Haiti iyo wadamada qaarada Afrika.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa xaqiijisay in uu xilka ka tagay Mr Feeley.

Waxa ay sidoo kale wasaarada sheegtay in sababo u gaar ah uu isu casilay safiirka Mareykanka u fadhiyay dalka Panama .

Siyaasadaha madaxwayne Trump ee ku aadan dalalka gobolka sida Salvadore, Haitian iyo Nicaraguan ayaa wax ka dhashay caro.

Dhawaan ayay ahayd markii maamulka madaxwayne Trump uu ku dhawaaqay in kumannaan qof oo u dhashay dalka Salvadore ay isaga baxaaan dalkaasi Mareykanka.

Elizabeth Shackelford, oo ahayd wakiilkii dowladda Mareykanka u qaabilsanayd arrimaha Soomaaliya ayaa xilka iska casishay bishii December.

Xafiiska Wararka BooramaOnline.Com
Panama

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR