Daawo Sawirrada Magaalo Caan Ah Oo Ay Xabaalihii Buux Dhaafeen Iyo Sababta.

Magaalada Dhaka ee caasimadda dalka Bangladesh, ma jirto meel dadka dhintay lagu xabaalo, sidaasi darteed dadkii horey loo aasay ayaa dad kale lagu dul aasaa isla qabrigii.

Gabadha lagu magacaabo Suraya Parveen waa ay joojisay in ay booqato qabriga aabaheed, sababtoo ah halkii uu ku aasnaa waxaa lagu xabaalay qof kale.

Horey uma aysan ogayn in qabriga aabaheed qof kale lagu dul xabaalay, markii uu walaalkeed ku wargaliyayna waxa uu ahaa warkii ugu naxdinta badnaa ee ay maqasho sida ay u sheegtay BBC-da.

Horay waxa sidan oo kale ay ugu dhaceen qabuurtii hooyadeed iyo ilmihii ugu horeeyay ee ay dhashay oo ka saqiiray.

Xaaladan ayaa saamaysay qoysas badan oo ku nool caasimadda, kuwaas oo waayay meel si rasmi ah ay ugu xabaashaan ehelkooda.

Sida uu qabo sharciga dowladda hoose, labo sano marka uu qofka duugnaado, waa in meeshaas lagu duugaa meyd kale.

Sanadkii 2008-dii ayay dowladda hoose joojisay in ay bixiso dhulka qabriga ah oo joogto ah.

Dadka qaar sida Sabiha Begum oo walaasheed ay ku aasantahay qabuuraha Azimpur, waxa ay sheegtay in ay laaluush ku bixiso sidii dadka meesha maamula ay uga leexan lahaayeen qabriga oo 10 sano dhisan.

Sida ay sheegeen culumada diinta Islaamka, waa la ogolyahay in hal qabri lagu aaso wax ka badan hal mayd.

Balse dadka intooda badan waxa ay door bidaan in qofkooda dhinta uu helo qabri u gaar ah.

Haseyeeshee taasi ma ahan mid suurtogal ka ah dalka Bangladesh oo dhulka uu aad u yaryahay.

Magaalada Dhakar waxaa ku nool 16 milyan oo qof, halka bedka magaalada uu yahay 300 km oo isku wareeg ah. Waa shan meelood marka loo dhigo meel ka mid ah bedka London oo ay ku noolyihiin kala bar dadka Dhakar ku nool.

Sida ay sheegtay hay’adda deegaanka Qaramada Midoobay ee UN Habitat, Dhakar waxa ay ka mid tahay meelaha cufnaanta dadka ugu badan ay ku noolyihiin adduunka. 44,000 qof ayaa ku nool halkii kiilo mitir oo isku wareeg ah.

Dhaka waxa ay leedahay 8 meel oo dadka lagu xabaalo kaliya, kuwaas tiro aad uga yar oo gaar loo leeyahay ayaa jira, mana ahan kuwa dabooli kara baahiyaha jira.

Saraakiisha dowladda ayaa dadka ku dhiirogalinaya in dadkooda ay ku xabaashaan tuulooyinkii iyo magaalooyinkii kale ee ay ka yimaadeen.

Dowladda hoose ayaa dadka ka caawinaysa in ay maydka gaadiid ugu qaadaan dadka sida uu sheegay Khan Maxamed Bilaal oo maamulka ka mid ah.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR