Dad cusub oo ka bogsooday Covid-19 & Kiisaska oo hoos u dhac ku yimid


Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 23 qof oo cusub,  taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 910 Ruux.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 10 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Puntland 9, Somaliland, qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,904.

Waxaa sidoo kale Wasiir Fowsiya ay cadeysay in  24-kii saac ee ugu dambeysay aysan jirin bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 90 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo ka hor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Inkastoo Somaliya kiisaska Covid-19 hoos u dhac wayn ku yimid, ayaa haddana wali waxaa xiran duulimaadyada gudaha Somaliya oo Covid-19 awgeed u xiran.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR