Dad isu qoys ahaa oo ku dhintay Ismiidaamintii ka dhacday Muqdisho



Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya ismiidaamintii maanta ka dhacday meel ku dhow Isgoyska Sayidka, gaar ahaan halkii la oran jiray Baar Bulsho ee Degmada Hawlwadaag.

Ruux naftii halige ah oo waxyaabaha Qarxa isku soo xiray ayaa bartilmaameedsaday maqaayad inta badan ay fariisin jireen Ciidamada dowladda oo ku taallo Suuq yaraha Sayidka ee Degmada Hawlwadaag.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar, ayaa Saxaafadda u sheegay qaraxaasi inay ku geeriyoodeen Saddex ruux oo isku qoys ahaa, kuwaasi oo fadhiyay maqaayada Qaraxa Ismiidaaminta lala eegtay.

Waxaa kale oo ku dhaawacmay Saddex kale, kuwaasi oo iyagana loo qaaday goobaha Caafimaadka ee Muqdisho, iyadoo tirada dhimashada ay ka dhigan tahay afar ruux marka lagu daro ruuxii naftiisa gooyay ee isqarxiyay.

Maqaayadda Qaraxa Ismiidaaminta lala eegtay ee ku taallo Suuq yaraha Sayidka badanaa waxaa isugu yimaado Ciidamada Militariga dowladda xilliyada ay fasaxa leeyihiin, halkaasi oo ay ku qayili jireen.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe wuxuu ahaa mid wanaagsan oo aysan ka dhicin falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR