Dagaal Khasaare Geystay oo Dhex Maray Qowmiyadaha Soomaalida iyo Cafarta Dalka Itoobiya

Dagaal Khasaare Geystay oo Dhex Maray Qowmiyadaha Soomaalida iyo Cafarta Dalka Itoobiya

JIGJIGA(HALBEEG)-Wararka ka imanaya gobolka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in tiro dad ah ay ku geeriyoodeen dagaallo maalmihii u dambeeyay ka socday xadka Soomaalida iyo Cafarta ee dalka Itoobiya.

Wararka waxay sheegayaan in dab la qabadsiiyay guryo oo ku yaallay deegaannada lagu muransan yahay.

Saraakiisha gobolka Cafarta waxay ku eedeeyeen ciidamada Liyuu booliska Soomaalida in 30 qof ay Sabtidii ku dileen halkaas.

Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa iyana dhankooda  sheegay in ugu yaraan 25 qof oo xoolo dhaqato ahaa ay maleeshiyaad kasoo tallaabay dhinaca Cafarta ay ku dileen deegaanka.

Ilaa iyo hadda ma kala cadda tirada dadka ku dhintay dagaalladii shalay ka dhacay xadka Soomaalida iyo Cafarta.

Qowmiyadaha Soomaalida iyo Cafarta ee dega dalka Itoobiya ayaa marar badan ku dagaallamay dhul deegaameed ay lahaanshihiisa ku muransanyihiin labada dhinac.

Soomaalida iyo Cafarta ayaa haatan isku heysta lahaanshaha deegaannada Candhuufa, Cadheyti, Garba-ciise iyo tuulooyin kale oo labada dhinac mid walba uu sheeganayo in uu isagu leeyahay.


Post Views:
12

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR