Daruuraha Is-fahan Siyaasadeed Ee Geeska Afrika (WQ: Bashir Maxamed Bashir)

Waa hubaniti la’aan in aynu il-gaara ku eegayno daruuraha is-fahan siyaasadeed ee waddamada Geeska Afrika, oo isbedel iyo is-fahan kasta oo dhacaa raad innagu yeelanayo ka bulsho ahaan. Si kooban haddaan u iftiimiyo ujeedada qormada cinwaankeedu kor ku xusan yahay; waa mid aan doonayo inaan ogaalka bulshada kor ugu qaado. Maqaalkan waxa aan idinku la wadaagi doonaa aragti caam ahaan loo fahansanaan karo oo aan ka soo dheeganayno isbedelada siyaasadeed ee geeska afrika ka cartamaya xilligan, mareegaha falanqeeya arrimaha mandaqada khaas ahaan iyo falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda. Waxa aan akhristaha ugu afeef dhiganayaa inaan qormadan ku hadlayo aragti iyo dareen ku salaysan afkaarta bulshada ee guud, aanse abla-ablaynyo inta aad taqaanaan iyo in ka badanba.

Maqaalka waxa aynu u kala qaadi doonaa afar laamood, laanta koowaad guud mar halka uu isbedelka GA ka soo hayaan bilaabay wakhti xaadirkan, Faa’idooyinka Laga Heli Karo Isdhexgalka waddamada GA, Bilowga Gurashada Midhaha Isbedelka Geeska Afrika, iyo Dhibaatooyinka ka dhalan kara isdhexgalka waddamada geeska.

Hordhac
Qoraalkan gorfeynta geediga isbdel iyo isfahan siyaasadeed ee mandaqada geeska, waxa aan ku falanqeyn doonaa isbdelka cusub ee cariga ka dilaacay iyo nusqaanta uu ku keenayo jawiga cusubi miisaankii iyo mabaa’diidii uu ku socday gobolku. Bogcadda Geeska isbedel hor leh ayaa ka unkamay. Isbedel si wacan la isku la kaashanayo oo ummado isku dan ahi gacan bidixaynayaan ayaa si ka’ma ah iyo si badheedh ahba uga aloosan.
Fooraha dabaysha ee ka socota geesku waa mid faa’idadeeda iyo halisteeda leh, waxaase ay ku xidhan tahay sida ay u wajahaan hoggaamiyayaasha Geesku. Mandaqadda aynnu ku naal iyo dunida inta ku foogan ee danta xidhiidhka dhul jiheega ah (Geography tie up) ku wada dabran hal war ayaa dhexyaal manta.

Waagii hore waxaa manqadadda iyo bogcad weynta Bariga iyo Geeska Afrika ee aynnu ku naal dalalkeeda tunka roon sida; Kenya, Ethiopia, Eritrea, Djibouti iyo Sudan la gala hadli jiray colaad joojin daakhili ah, kaalmo siin dawaro ah iyo xaquuq helid isiri ah. Maanta Saddexdaa shay midna manqadadda la galama hadlo waayo?

Halka Uu K Soo Hayaamay Isbedelka Geeska Afrika.
Geeska afrika waxaa ka dhisan dowlado maamul ahaan taag daran, dhaqaale ahaan iyo awood ahaana liita. Waxaa saameyn ku leh Muran-xuduudeedka (Border dispute), argagixisda (Terrorism), musuqmaasuqa (corruption), isirka(Race), tahriibta (Migration), iyo dirqinta Aadamaha (Human trafficking). Muskiladaha gudaha, xuduudaha iyo hanaanka maamul xumo ee muddo soo taxnaa ayaa si u saameeyey dhinacyada siyaasadda (political), dhaqaalaha (economic), deganaanta bulshada (social satability). Xaallada ugu weyn ee ay la deriska yihiin ayaa ah degganaansho la’aan gudaha ah (internal instability) iyo taag darri dowladnimo oo aanay iska cabin karin saamaynta dibadda mid siyaasadeed iyo dhaqaale ba.

Waxaa xiiso mudan in Geeska Afrika uu dunida u yahay deggel siyaasadeed (Geopolitics) iyo deggel ahmiyadeed (Goestratigic). Xaddi weyn ayaa ku kala goosha biyaha badda ee gobolka. Muhiimada istraatijiyadeed ee gobolku ma aha mid manta iyo shalay dhalatay, ee waxa ay soo jirtay qarniyadii hore waxa uuna ahaa Geesku meel ay isha kuwada hayaan awoodaha waaweyn iyo boqortooyooyinkii maamulayey muddo dhul ka mid ah geeska mudo dheer, sababtuna waa in GA kulaalayo marinada waaweyn ee ganacsiga adduunka Badda iyo Berriga labadaba, laga soo bilaabo qarnigii 15 aad ilaa manta waxaa kor u kacayay tartanka iyo xusulduubka reer galbeedka iyo reer Barigu ay ugu jiraan si ay awood fulineed ugu yeeshaan gobolka, tartankaas ayaa mararka qaar isu rogayey Hardan iyo Dagaal ujeedkiisu yahay cidda gacanta ku haysa marinada ganacsiga adduunka ee GA ay go’aaminneyso horumarka iyo koboca dhaqaalaha adduunka!

Daruuraha isbedel siyaasadeed ee Geeska Afrika ayaa loo arkaa inay tahay dhacdada taariikheed ee ugu cajabsan qarnigan 21 aad ilaa wakhtigan. Mandaqada Geeska Africa waxaa lagu tiriyaa meelaha siyaasad ahaan iyo amni ahaan aan sal degan lahayn. deganaasho la’aanta siyaasadeed waxa ay u horseeday guud ahaan Gobolka dib-u-dhac dhan kasta ah marka loo eego inta kale ee Qaaradda Afrika. Juquraafi ahaan Geeska Afrika waxaa leysku yidhaa waddamada, Somalia, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Sudan, Uganda iyo Koonfurta Suudan.
Dalalka bariga afrika, waxaa saamayn nololeed iyo mid nabadgelyo ku yeelatay colaadaha degmada ka socday dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay. Deganaansho la’aantu waxa ay horseeday inay dagaalo caynba-cayn ah ka dhacaan inta badan dalalka ku teedsan geeska afrika, iyadoo colaadaha ugu saamaynta badnaa kala ahaayeen dagaalkii lagu hoobtay ee Itoobiya iyo Eriterya dhex maray sannadihii 1998kii ilaa 2000, dagaalka kooxaha ku hardamaya dalka cusub ee Koonfurta Sudan(Slvakir iyo Kharsmol), rabshadihii doorashada Kiiniya ee sanadkii 2007-dii iyo colaadaha aan dhamaadka lahayn ee weli ka socda gudaha Somalia. Inkastoo dagaalkii Itoobiya iyo Eratariya uu dhamaaday muddo haatan laga joogo 19-sano, haddana ma jirin heshiis siyaasadeed oo ay madaxda dalalkaasi ka gaadheen xilli colaadeedkii ay dadyowga labada dhinac ku riiqmeen.

khilaafaadka siyaasadeed, iyo xasilooni daradda amini wallow ay xadideen la macaamilka gobolka, haddana dunidu iskama indho-tirin muhiimada juquraafiyadeed ee mandiqada uu u leeyahay marinka ganacsi iyo isku-socodka caalamka.

Xiisadaha siyaasadeed, nabadgelyo darrada, iyo xasilooni la’aanta dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee uu gobolka geeska afrika lahaystaha u yahay, waxa ay buro ku noqdeen sawirkiisa siyaasadeed iyo muuqaalkiisa guud, waxa aanay abuureen isbedello iyo isdiidooyin sida fooraha jihooyin kala duwan ka imanaya. Taas oo ay mararka qaarkood ay adagtahayba in aynu si run ah u odorosi karno suurtagalnimada in gobolku uu ka bogsato boogaha mililka yeeshay ee abid hagardaamada siyaasadeed iyo xitaa is-raacsanaantiisa dhuleed.
Fooraha iyo duufaanada siyaasadeed ee gobolkani ayaa ah kuwo ku socda xawaare sare, isbedeladii ugu faca waaweynaa abid ayaa waddamada geeska ka dhacaya. Isbedelka siyaasadeed ee ka dhacay Itoobiya ayaa sababay in wadamo badan oo sanado badan colaadi dhextaalay in ay kulamo foolka fool ah (face to face conference) wada yeeshaan, tusaale ahaan Itoobiya Vs Eratriya. Kulamada ayaa lagu gorfeeyay sidii dhidibada loogu taagi lahaa , isdhexgel dhaqaale, ganacsi, is-fahan diblomaasiyadeed, iskaashi iyo iskaashi goboleed cusub, kaasi oo isku soo dhaweeya waddamo hore ugu kala fogaaday siyaasad xumo uu sababay dagaalo sokeeyo, boob dhuleed iyo is-afgaran’waa siyaasadood oo soo kala dhex galay waddamada.

Kadib sanado badan oo kala qaybsanaan iyo khilaaf ah geeska afrika waxa uu gelayaa marxalad cusub (new situation) oo saameysay sidii ay u yaalleen isbaheysiyada gobolku. Marxaladda isbedelkan oo u muuqda mid wax ku ool u ah geeska ayaa weji cusub (new face) u yeelay xidhiidhka caalamiga ah ee geeska afrika (international relation in Horn Africa), iyada oo sida muuqata ay taasi u wanaagsan tahay dhaqaalaha, siyaasadda, aminga, xasiloonida iyo isbhayesiga waddamada qaarkood.

Dabaylaha siyaasadeed ee Bariga dhexe, gaar ahaan kuwa dhex yaalla dowladaha Khaliijka, ayaa ku soo butaacay Geeska Afrika. Markii dhinacyo badan laga eegana waxaaba la odhan karaa, gobolka Geesku waxa uu noqday goob ay ku tar-tamaan waddamada Gacanka Cadmeed. Imaaraadka ayaadna moodaa inay tahay midda ugu dhaq-dhaqaaqa badan, iyada oo ku guulaysatey in ay xarumo ciidamo ka samysato Yemen, Eritriya, iyo Somaliya. Imaaraadku waxaa kale oo uu xidhiidh la samaytay Somaliland ( gobol doonaya inuu Somaliya ka go’. (Heritage, 2018)
Wax qarsoon ma’aha danaha ay dowlado iyo shirkado shisheeye oo badan ka leeyihiin geeska, ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo dhan siyaasadeedba.
Geeska Afrika waa bogcad hodan ah, leh ilo waxsoosaar oo dihan ama si buuxda aan looga faa’idaysan, kuna yaal meel aad muhiim u ah isku-socodka badeecadda adduunka.
Abiy Ahmed oo la aaminsan yahay inuu dhabartaabasho ka haysto dawladda Maraykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka., ayaa isbedello ilaa gunta ah ku samaynaya dabeecadii siyaasadeed iyo nidaamkii hore ee dalkiisa iyo diblomaasiyadda degmada Geeska Afrika. Abiy Axmed, oo ah nin dhalinyar oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromo. Waa nin u ooman inuu taariikh sameeyo, si kale waa Raysal Wasaare inuu wax ka beddelo taariikhda siyaasiga Itoobiya iyo mandaqada raba, sida hab hogaamintiisa laga dheehan karo. Isbedelada la yaabka leh ee uu sameeyay waxaa ka mida soo af-jaridii colaadii guunka ahayd iyo dib u soo celintii xidhiidhka diblomaasi ee labada dale e Eritrea iyo Ethiopia. Waxaa xiiso gaar ah leh, in uu maalmo yar gudahood u bedelay colaadii, saaxiibtinimo ku sii siqaysa iskaashi istraatijiyadeed. Isagoo durbadiiba bilaabay dadaalo uu doonayo in Eratriya cunaqatayntii qaramada midoobay saartay laga qaado, mudo yar gudahood waa ku guulaystay. Abiy Axmed oo ka soo shaqeeyay laanta sirdoonka, weli saldhig xoogan iyo iskuduubni gudaha ah kama uusan helin, siyaasada guunka ah ee isirku gacansareeyo.
RW Abiy, Afrika cashar cusub ayuu baray, waxa uu la yimi siyaasad u eg in Maraykan gadhwadeen ka yahay oo ah wixii horeba quba. Si siyaasadda tan cusubi u fusho waxa uu isku dayayaa in uu wax walba dhanka kale ka rogo oo uu quluubaa-geddiyo. Wax wal oo state ku lahaa waxa uu yidhi suuqa ayaa la yeelanaya (Public Private Partantership). Waxa kale oo uu sameeyay oo uu yidhi Jbahadaha ONLF, OLF, Ginbot 7 iyo mucaarid oo dhan waa lala heshiinayaa. Abiy intaas ba isaga oo sameeyey haddana manta Itoobiya maalin ay ka kala qaybsan tahay ma ay soomarin, maalin ay ka dhaqaale hoosaysaa ma soomarin, maalin ay ka khilaaf badan tahayna ma soomarin. Sababtuna waa in uu gudihii daayacay oo uu culayska saaray arrimo khaaraji ah.

Waxa uu si toos ah uga guuray siyaasaddii Melez Zenawe ee loo yaqaaney “Developmental State” oo ahayd siyaasad urursan, af-xidhan oo horumar raadis ah. Siyaasadda tani waxa ay dabada ku haysay Fekerka Shiinaha; waana aragti ka duusha wax wada qabsi dhqaale oo bilaa faro-gelin ah. Abiy Axmed waxaa uu u guuray aragti cusub ee loo yaqaan “BIG Push” oo ah mid reer galbeed madax u yahay.

Talisyadii kala dambeeyay ee Itoobiya, weligoodba waa ay dareensanaayeen muhiimadda ay dekeduhu u leeyihiin, laakiin Abiy Axmed, waxa uu dekedahaas raadintooda u marayaa xeelad ka duwan tii uu dalkiisu hore ugu mari jiray; waxa uu markan rabaa in uu iskaashi iyo danwagaad la yeesho dalalka gobola ee dekedaha leh, waxa uu gudhiiba socdaaladiisii dalalka deriska ah heshiisyo ula galay Jabuuti, Somaliya, Kenya iyo Sudan, dhawaana waxaa ku soo biirey heshiiska Eritariya.

4 march, 2019 RW Abiy Axmed iyo MW Uhuru Kenyata ayaa si wadajir ah booqasho aan la sii shaacnin ku tagey Dalka Eritrea, waxaa Gagada Diyaaradaha Asmara ku soo dhaweeyay Mw Isyaas Afwarqi. Booqoshada Abiy iyo Uhuru Kenyata ku tageen Eritrea ayaa qeyb ka ah isbdelada Geeska Afrika iyo dadaalada loogu jiro iskaashiga dalalka bariga afrika ee dhanka; aminga, ganacsiga, dhaqaalaha iyo adeega aasaasiga ah ee isku xidhka saddex dal (infrastructure and regional integration).

Faa’idooyinka Laga Heli Karo Isdhexgalka Waddamada Geeska Afrika
1. Horumar dhaqaale, ganaacsi iyo id bulsheed
2. Waxa uu fudaydin doonaa isku socodka dadka iyo alaabaha.
3. Wuxuu geeska ku soo dabaali karaa xasilooni siyaasadeed iyo mid nabadgalyo.
4. Waxa uu sahli doonaa ladagaalanka kooxaha xagjirka ah, budhcad badeed iyo ururada lidiga ku ah jiritaanka mandaqada.
5. Waxa uu abuuri doonaa isbahaysi dhaqaale (economic alliance), ciidan (army allaince), siyaasi (Political allaince) iyo Mid diblomaasiyadeed.

Bilowga Gurashada Midhaha Isbedelka Geeska Afrika.

a) Durba khilaafkii diblomaasiyadeed ee Kinya iyo Somalia waxa lagu xaliyay hanaan diblomaasiyadeed.
b) Isku socodka dhulka ee Itoobiya iyo Somaliland oo caadi si turxaan la’aana u bilowday kadib dhicistii Cabdi Ilay Madwaxwaynihii DDSI.
c) Diyaarada Duulimaadada ee Ethiopia Arilines ayaa duulimaad toos ah ka bilowday Muqdisho iyo Asmara.
d) Dekadii Asmara ee hore uga caaganayd Itoobiya ayaa hadda dib loo bilaabay in shixmadaha Dalka itoobiya laga soo dajiyo.

Dhibaatooyinka ka dhalan kara isdhexgalka waddamada geeska.

Geeska afrika waxaa dagan qoomiyado kala duwan dad ahaan iyo diin ahaan taas oo isdhex galkoodu ay ka dhalan karto dhibaatooyin badani oo ay ka mid yihiin:
1. Bilowga dagaal qoomiyadeed iyo mid diimeed.
2. Isku dhac cusub oo dhex mara waddamada geeska
3. Isku dheelitirnaan la’aan ganacsi

Jabuuti
Jabuuti sanadihii la soo dhaafay waxay hormuud u ahayd, xasiloonida siyaasadda gobolka, kaabayaasha horumarsan iyo jawi ku haboon maalgashiga. Jamuuriyadda Jabuuti waxa ay martigelisaa awooddo tartamaya ciidamadooda sida Maraykanka, Shiinaha, Faransiiska, Jaban, Jarmalka, Talyaaniga iyo Sucuudiga.

Dalka Jabuuti oo u muuqday mid qool dhaqaale iyo mid siyaasadeed ku jirra labadii sano ee la soo dhaafay, waxa uu si weyn ugu dedaalayaa in uu iska furdaamiyo. Jabuuti waxa ay ka mid tahay taariikhiyan dalalka ugu diblomaasiyadda xasilan qaaradda Afrika. Waa dal aan lahayn khayraad dabiici ah, yar oo ku fadhiya dhul baaxadiisu cidhiidhi tahay oo qiyaas ahaan dhan 23,200 km square, dadkiisu waxa ay tiro ahaan dhan yihiin 905,000.
Inkasta oo uu yahay dal aad u faqiir ah oo ku nool dayn iyo dawaro sida dalalka Afrika ay u badan yihiin, haddana Jabuuti waxa ay ku taal bogcad fiican “Strategic Location”. Waana taa midda sahashay in ay door ku yeelato wax wal oo afrika ka dhacaya, isla markaana ay soo jiidato xoogaga adduunka ku hirdamaya si ay uga baayac-mushtarayso. Jabuuti waxa lagu naanaysaa Albaabka Qaaradda Afrika (Africa Door).

Waxaa mudooyinkii u dambeeyey meel aad u xun gaadhay xidhiidhka Jabuuti ay la leedahy dalka IMaaraadka Carabta oo kaalin weyn ku leh isbedelada mandaqada ka socda. Sidoo kale Maraykanka oo isagu saldhig ciidan oo muhiim ah ku leh Jabuuti, ayaa aan mudooyinkii u dambaysay ku qanacsanaynn in Madaxwayne Geelle uu saldhig milatari (Military Base) siiyo dalka Shiinaha oo loollan weyni u dhexeeyo.
Dad badan ayaa qaba in siyaasadda laba-gar-daaqa ah ee ay Jabuuti dalkeeda isugu keentay quwadaha is-diidan oo ay marka hore dano siyaasadeed (political intrest) iyo faa’ido dhaqaale “Economic Interst” ku heshay ay imika keeni karto in ay isku rogto.

Si kasta ha ahaato ee, halka imika la joogo, Muhiimadda dalka Jabuuti weli waa ay ka xoog badan tahay in sidaa kediska ah looga baalmaro, waa suurtogal in waxaa socdaa uu yahay keliya in la beernugleeyo, ugu dambayntana ay dhacdo un Jabuuti la siiyo damaanado ugu yaraan cabsida ay qabto dejiya. Lagana shaqeeyo sidii uu Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle u raaci lahaa geedigga socda.
Inkasta oo ay arrintani u baahan tahay in dano badan laga wadahadlo, oo ay ugu horayso in wax la iska yidhaahdo xidhiidhka Jabuuti iyo Eritariya, iyo in la qaboojiyo cadhada Imaaraadku u qabo Jabuuti, haddana in walaaca Jabuuti la bogsiiyo waxaa muhiim ka sii dhigaya Jabuuti oo ah xarunta Urur Goboleedka IGAD.

Itoobiya
Itoobiya waxaa ka dhacay isbedel xoog leh, waxaa ka dhacay wax Miiam Abaham ugu yeedhay furfunaansho siyaas iyo dib u ahayn dhaqaale.
Itoobiyadii Malas Sinawi waxa ay ka mid ahayd dhowr waddan oo Afrikaana sida Ruwanda iyo Uganda oo uu ka taliyo hal xsi ayna cajabisay shaqan siyaasadeedka iyo dhaqaalaha shiinuhu. Inkasta oo ay itoobiya muhiim u ahayd eer galbeedka haddana marna kuma aysan qanacsanayn aragtidooda ku wajahan shiinaha. Shiinuhu waxa uu gacanta ku hayaa saddexda mashruuc ee ugu weyn Itoobiya ee kala ah Biyo xidheenka Abay, ceelasha shidaalka iyo waddada xadiidka.

Eritrea
Eritrea waxa ay ka mid tahay dalalka farakutiriska ah ee la haysta isbedelada ka socda geeska Afrika. Waa dal inta laga qayliyay siyaasadiisa gudaha lagu metelay in uu la mid yahay Waqooyiga Kuuriya (North Korea). Laakiin sanadihii dambe, wuxuu ka faa’idaystay fursado diblomaasi ah oo uu ka helay Sucuudiga, Imaaraadka, iyo Maraykanka wuxuu kaga baxay go’doonkii saarnaa ee hubka iyo dhaqaalaha. Hadda waxa uu qeyb ka yahay qorshaha isdhexgalka dhaqaale (regional integration) ee geeska Afrika. Isiyas Afawerki madaxwaynaha Eretariya waxa uu rabaa inuu ka faa’idaysto fursadani, oo uu ka soo kabto go’doonkii mudda saarnaa. Waxa kale oo uu rabaa inuu dekedihiisa oo ah kuwo u dhow marinka Baabul Mandab ka dheefsado, sidoo kale waxa uu dheelayaa shax kursi iyo talis badbaadis ah (Regime Survival).

Eritriya in lagu soo celiyo xayndaabka Bariga Afrika iyo Beesha Caalamka cidda ugu badan ee ay walaaca ku haysaa waa dalka Jabuuti oo colaad dhinaca xuduudka ahi u dhexeysay sanadihii u dambeeyey, dhul ay leedahay (Jabuuti) iyo maxaabiis ciidana ku jiraan gacanta Eritariya. Waxaase bilaabmay dadaalo lagu xallinayo khilaafkaas walaw aan weli lagu guulaysan.

Kenya iyo Somaliya
Dowaldda Kenya waxaa ay si lama filaan ah ugu dhawaaqday inay dib ula soo noqonayso safiirkeedii fadhiyay Muqisho, ayna amartay safiirka Somaliya ee fadhiya Nayroobi inuu si degdeg ah uga baxo wadankeeda. Talaabadaas ayaa waxa ay yaab iyo amkaag ku noqotay dowlada somaliya iyo dadwaynaha soomaalida, waayo ma jirin xiisad wayn oo taagnayd oo u baahnayd in si degdeg ah wax loooga qabto.

Way jireen khilaafyo la xidhiidha badda somaliya oo Kenya damac ka galay kadib markii ay ogatay in shidaal badan laga helay soohdinta badda somaliya. Laakiin arrintan dacwadeedu waxaa ay ku jirtaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Hague . sidoo kale waxaa jiray xiisad ka dhalatay shrkii ka dhacay London 7-dii febraayo ee 2019-ka, kaas oo lagu soo bandhigay macluumaad ku sahabsan khayraadka ku jirra badda somaliya.

WQ Bashir Maxamed Bashir
12 March 2019
Borama, Awdal
Bashiirmaxamed@gmail.com
0634538873/ 0634450487

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR