Dayawga Siyaasadeed iyo Shindhaafka Siyaasiyiinta (WQ: Axmed Cali Kaahin)

Koritaanka hab dhaqanka siyaasigoo, qaan gaadh, iyo jarabax ku dhaw, bisaylna qarka ua saaranahay. Waxa kacay mawjado siyaasadeed, oo duugay nalkii, iyo ilayskii soo ifayay, xaalada xisbiyadana dadku, isku dhex fadhiyeen, sida ubax kala midaba oo barwaaqa jooga, lana lamaantahay, niyad samaan, ixtiraam, iyo isku quudhid nololeed oo gobanimo iyo guurtiyayn sal u tahay.

Dhaqanka bulshadu waa salka dhamaan xeerarka, aadamuhu hindisay ee casrigan aynu noolnahay, barigii waddanka la yaqleelayay waxa xoog badnaa guurtiyaynta nidaamkaasi, oo la mahadiyay, dad xirfad yaqaano dhaqan yahaynina hormood iyo hogaan u ahaayeen. guulo badan oo la majiirto maanta bud dhig u ahaayeen, caqabado adagna lagaga soo doogay.

Sida Somalidu ka maahmaaday, waxa dhacda mararka qaar kudka guur oo qanjo u guur, waa markii habkaa hawsha yaree, ee dadka wax xidha waxna guntaa, guntiga talada ku hayeen, si hogaamin, daacadnimo, iyo xilkasnimo leh. in nidaamkaasi dhan ee dhaqan siyaasadeed ee bulsho, si hawl yar loogu luqun laabo, mid xataa fahamkiisa dadka aqoonyahanku wali inoo sharixi kari.

Taasi waa Dimuqraadiyada. iyaduna waa dad dhaqankoodii, iyo sanab dadkaku sanduleeyaan, balse waxay  waafajiyeen noloshoodii, aqoona ku jarabixiyay, balse aadamuhu wax badan buu waddagaa, in Guurtiyaynteena tijaabino oo wixii inaga dhimana bawsanaa waa gar, waxaase gardaro ah, in dhamaan meerta nololeedkeenii boqolaal sanadood soo taxnayd, si dhibyar u xoorno, waa doqoniimo halkii u hoosaysay, kabo, aan inoo galayna isku jufno.

Aas aasankii xisbiyada waxa soo iftiimayay, kala duwanaansho, afkaareed iyo mid siyaasadeed,  iyo kala duwanaanta ciwaanada isireed ee siyaasiyiinta,  taasna sawir fiican waxa ka bixinaya, dhismihii xisbiyadii wakhtigaa la yaqleelay xisbiyada, Bilawgii qarnigan. Doorashadii ugu horaysay, qaabkii la isku riixayay, oo ku dhisnaa inta badan is kooxaysi aragtiyeed, iyo mid dano siyaasadeed, oo dhanka isfahamka fikirku hogaaminayay, janjeedhka xisbiyaduna waxoogaa kasii fogaanayay qabiilaysiga.

Balse mar kaliya siyaasadii xisbiyadu waxay afka saartay jiho kale, oo aan la mahadin, siyaasad kastana jaangoysa.qaab ciyaareedkan bilawday, waxa la istaadhmay, tartano qaawan, oo qumanaantii bulshada, si aayar, aayar ah u badalay afkaartoodii. abuurayna saar iyo xamaasad  qabiilaysi ah. noqotayna badeecad macaash iyo xoogsi ay ka raadiyaan,  afku xooglayaasha siyaasadeed. Oo durbaanda iyo kamanka qabiilkana si fiican u garaaca bulshada taagta daran, si looga dhigto salaan lagu gaadho himilooyin siyaasadeed kadibna la iskta tuuro.

Doorashadii u horaysay ee madaxwayne la doorto, waxay ahayd mid dadku qaan gaadh ka yihiin jibo qabiilaysiga, tii ku xigtay, jibadaa cusbayd, oo dadka inyar baa indhahoodu wax arkayeen, tii ka dambaysay, dadku way wada jibaysnaayeen, mucaarad iyo muxaafidba. Waxaana meesha ka baxday  dantii umada, gobanimadii. kalsoonidiina dhaawac halisaa gaadhay, taasi oo ay abuureen kooxaha siyaasada ku qawlaysta  iyo qaar cumaamadaha kamida.

Dhacdooyinkaasi oo keenay, in wax lagu rido saar qabiil, wax lagu doorto jibo qabiil, loo aa’yo dhaxal qabiilaysi, xisbigii loo badalo qabiilaysi iyo mid af hayeenkiisu noqdaan cumaamado.

Maanta habb nololeedkeena dhaqan dhaqaale iyo siyaasadeed waxa jaan gooya, danta reeraha waxaana qaadh looga dhigay iska difaaca reeraha kale. Dhaxalkii iyo canihii laga dhamayna, waa taa bulshadeenii wali la tiicayso, jibadiina maalin kastaba cutubyo cusubi inoo bilaabmayaan,  jugtii inaga soo gaadhayna wali laga soo miiraabi laayahay. waa halkii Gaariye AHN Jugtu waa waxaan la hagaasay.

Maadaama noloshii siyaasadeed sidaasi noqtay, fartana daddka qaar ku fiiqayo dimuqraadiyada iyo qaabka loo adeegsaday., dimuqraadiyadii dhashay qabiilkii oo aan biyo is marine, arrinkiina noqday. waar yaa harageedii inaga celiya, maadaama nidamaakeenii hore, ee  Guurtiyaynta, odayaynta ahaa u baah naa oo kaliya in la cilmiyeeyo, ileen isagaa dhaqankeena iyo diinteena waafaqsanaaye, oo ka hawl iyo kharash yaraa, in dib boodhka uga jafano, isagoo la cilmiyeeyo, dimuqraadiyadu samada ileen kamay soo dhicine, rag baa u kacoo, sanka inaga galiyay wixii waayo aragnimo ah kala baxno, ee  diinteena iyo dhaqankeena taabanayn.

In qaabkeenaa Guurtiyaynta  aynu cilmiyayno noloshana waafajino, si looga badbaado khatarta ina dul hoganaysa doorasho kasta, iyo kharashka, naxliga, hawsha,  iyo isriixuna meesha uga baxo, si bulshaduna uga bogsato dhiilada doorasho kasta dul hogaynasa.

Haddaba waa in lala yimaadaa qaab siyaasadeed qabiilka la jaan qaadi karta, maadaama hada qabyaaladii oo niqaaban ay siyaasiyiintu isticmaalayaan, iyadoo magacyo xisbi loo bixiyay, noqotaynayna riwaayad bulshada ku dabo dheeraatay.

Haddaba su’aashu waa sideen qabiilka iyo siyaasada isku waafajin karnaa garoonkeeda?  ileen garoomadii kale waynagaa iskala soo galg. Waa in qaab siyaasadeedka loo xawilaa siyaasad qabyaaladaysan oo casriya, waxan kalee aynu isku walaaqanay maaha mid sii socon kara mustaqbalka dhaw, waana bamboo aynu maalin kastaa sii cabaynayno.

Muskhilada ugu wayn ee ina haystaa, waa in sida indhoolaha maalin kasta aynu gabano,  marka wax inagu dhacaan, maalina may dhicin in mushkiladaha ina haysta mid kliya inta miis la saaro, indho iyo caqli caafimaad qaba lagu gorfeeyo, gorfayn caafimaad qabta oo mustaqablka loo aayo, hadda waa in la daraasadeeyaa sidaynu isku waafajin karnaa labadan nidaam. ee aanay suurto gal ahayn in aan kala fogaynaa, waa qabyaalada iyo qaabka nolosha loo maamulayo, waa siyaasadee?

Mise sida Swizerland baan kaltan galinaa hogaaminta, marba gobol, taasi oo macnihii iyo tartankii ka saartay, gobolkastaana horumarkiisa uun ka shaqeeyo, oo kolba reer aan u dhiibno inaguna ku kaltano ileen sawirkeenu waa sidaasi uune, oo waa nooc hagbad hogaamineed ah baan ku jirnaa oo ay halku dhig u tahay waa doorkayagii.  Bahasha aan hagbadaynta sharciyayno, maxaan isla daalinaynaa. Waa dood la sheegi karo haddii dhanba loo dhaqaaqi waayo.

Haddii kale caqligu ha shaqeeyo, oo xerada halagu soo noqdo, oo siyaasiyiinteena aan dib u dadayno, ama bulshadu ha ka xorowdo harawsigooda, saaxadana dad cusubi ha ku soo boodaan, boodid badbaadin umadeeda. iyagoo samayn kara kacdoon siyaasadee, oo jiho badal silmiya ah. Sida dunida meelo badanka dhacday. Wakhti fiicana waynu siinay dimuqraadiyada iyo siyaasiyiinta labadaba. Waa in qaaciidada, shookaanta,iyo jihadaba laga doodaa.

Xaalkeenuna waxa uu sii ahaan doonaa, Ibaxnimo, arag daraysoo daadihi layidhi qabyalad. hal ku dhig u dhaw erayadii Gaariye AHN. Haddii kale xerada xornimada iyo ilbaxnimada halgu soo noqdo. Oo siyaasiyiinta dib ha loo dadeeyo ama halaga xoroobo oo dad cusubi, masalaha ha ku  soo boodaan,  kacdoon silmiya, sida dunida meelo badan ka dhacday hore iyo haatan. Oo siyaasadan laga baqadsiiyay, hasoo galaan xisbiyada, ama marka la furo qaar dhalintu leeyihiin aas aastaan, shariciga iyo heshiiska umada ayaa waxkasta iyo qofkasta ka wayn, Somalilandna waxay ku taagan tahay heshiis ummadeed mudo ka badan 28 sanadoo, waxa kaliyee loo baahan yahay waa horumarinta qaabka hogaaminta iyo hogaamiyaasha.

In uu qaangaadho qaab siyaasadeedka, qadiimiga ahi, waa mid umadu ka quusatay, qaabkan faqiirnimo hogaamineed ee  dunida seddexaad daashaday, kana soomiyay nolol sharaf iyo barwaaqo leh, oo waddamo tiroyari, ka jeel baxeen rafaadkaasi ku habsaday ummado badan oo dunidaa saddexaada. Dawadana cid kastaa  way taqaanaa waana hogaamin suuban, ahayna Ruqe ninkii lahaa dabada hayo.

Dad badan baa qaba in xalka ugu dhaw yahay jiilka cusub ee hadda waxbartay, oo tiro ahaan badan, ku waas oo han siyaasadeed la yimaada kana baydha raadkiil agu hungoobay ilaa qarnigii tagay. Iyadoo dhalin la tijaabiyay qaar badan beerdareeyeen xilkii oo iyana walwal abuuraysa, balse haddana waa fursada kaliyee banaan.

Umad kasta cid baa u kacda, marka xaalado noocan oo kala ahi umadda ragaadiyaan, waxayna ka dhacday meelo badan, taariikhda dhaw iyo mid horeba, umadiina ku badhaadhay. Bulshadu waa saddex qaybood qayb la hogaamiyo oo lagu qiyaaso ilaa 60%, iyo 20% xaga xun wax u hogaamiya. 20% xaga toosan umada u hogaamiya, sidaa daraadeed umad kasta waxa isku haysta labadaa kooxood ee dambe, kolba kii xoog bataa uunbaa hogaanka qabta.

Haddii kooxda hogaan xumayaashu xaga sare soo maraan, waxa dhaca, waxa Africa badankeeda iyo dunida saddexaad ku dhacay, haddii kooxda labaad ee hogaan samayaashu, dul maraan kuwa hogaaminta hoojiya, waa guusha umada, waana  halka saacada kafadeedu ka laba kaclayso. In ay jaanis helaan kooxdaa wanaag samayaashu, inta abdan ma dhacdo, caqabado badanina way horyaalaan, kaliya waxa u banaan, in ay qaab siyaasiya u dhacsadaan booskooda, kana dhacsadaan kuwa ku adeegta siyaasada danlaynimada. ah ee ilaa lixdankii qoorta kaga jiifay. gabo gabadii haddii aan xaalku sidan ka badalmin waxaan waajihi karnaa mustaqbalka daruuro sayaasadeed, oo dihin oo madaw  badani oo cabsiyeedna keeni karta. Gaar ahaan marka doorasho la galaba iyadoo ay barbar taalo, maalin kasta waxa siyaasada soo galaya, dad aan xilkas ahayni, oo waxa bulsahda ka dhexeeya ka wayn yahay, hebelaa isku duur xulay, waa halkii Gaariyee, AHN. waxa uu yidhi anoo aabay la yaaban buu aabahayna aabihii keenay.

Qalinkii Axmed Cali Kaahin

Ahmedckahin@gmail.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR