DEG DEG:- Ciidanka ammaanka oo magaalada Muqdisho ku toogtay nin hubeysan

Ciidanka ammaanka dowladda federaalka Somaliya ayaa toogasho ku dilay nin hubeysnaa, halka mid kale oo ku labisnaa dareeska ciidanka Milatariga ay dhaawaceen, sida ay inoo sheegeen goobjoogayal.

Falkan oo ka dhacay suuqa Bakaaraha gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn masjika Xareed ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii raggan ay dhac u geysteen qaar ka tirsan ganacsatada suuqa Bakaaraha.

Ciidanka booliska oo raggan toogtay ayaa saraakiishooda waxa ay sheegeen hawlgalka inuu u dhacay sidii loogu tala galay, waxayna tilmaameen in aysan marnaba u turi doonin burcada hubeysan ee dhibaateyneysa shacabka.

Meydka ninka la dilay iyo midka dhaawaca ah ayaa la geeyay xarunta dambi baarista ee CID-da, waxaana arrintan aad u soo dhaweeyay shacabka Somaliyed.

Burcad hubeysan oo wata mootooyinka Bajaajta ayaa maalmahan dambe waxa ay kordhiyeen dhaca ay u geysanayaan shacabka, mararka qaar ayaa iyaga oo dhac geysanaya waxa ay geystaan dilal.

Ciidamo boolis dheeraad ah ayaa laga hawlgeliyay degmooyinka gobolka Banaadir, si looga hortago dableyda hubeysan ee dhaca u geysaneysa shacabka ku dhaqan Muqdisho.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR