Deg deg: Fernando Hierro oo loo magacaabay tababaraha cusub xulka Spain

Xiriirka kubada cagta Spain ayaa si rasmi ah tababare cusub ugu magacaabeen Fernando Hierro oo leylin doono xulka Spain inta uu koobka aduunka socdo.

Spain waxaa laga racadeeyay macalinkoodii kowaad Julen Lopetegui kadib markii shalay uu heshiis la galay inuu Real Madrid maamulo marka uu koobka aduunka soo idlaado.

Fernando Hierro oo 14-sano Real Madrid u cayaarayay sidoo kalena Spain u saftay 89-kulan ayaa hogaanka xulka Spain la wareegay.

Waxaana macalin Fernando Hierro hortaalo shaqo culus sidii uu kalsoonida cayaartooydiisa qaar ku kasban lahaa ayadoo xerada tababarka Spain muran badan hareeyay.

Fernando Hierro kulankiisa kowaad Spain leylin doono waxay Jimcada wajihi doonaan xulka Portugal waana kulanka ugu horeeyo Spain koobka aduunka cayaarayaan ayagoo Guruub B ku jiraan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR