DEG DEG: Thomas Muller oo ganaax kala kulmay UEFA! Miyuu seegayaa kullamada Liverpool ay Bayern wajaheyso?

Xiriirka kubadda cagta ee qaaradda Europe oo magaciisa loo soo gaabiyo UEFA ayaa waxa ay ganaax garka u sureen weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Thomas Muller.

Xiddiggan ayaa ganaax laba kullan ah ku muteystay ka dib markii uu madaxa ka darbeeyay xiddig ka tirsan kooxda Ajax.

Waxa ay taasi ka dhigantahay inuu seegi doono labada kullan ee ay kooxda Liverpool la ciyaari doonaan ee wareegga 16-ka.

Guddiga Anshaxa ee UEFA ayaa go’aansaday in ay kooxda Bundesliga ciyaarta ay dul saaraan ganaax lacageed oo dhan €8,000.

Muller ayaa kaar cassaanka ah loo taagay kullankii ay la ciyaareen kooxda Ajax, ka dib markii uu madaxa kabtiisa ka saarray difaaca reer Argentina ee Nicholas Tagliafico.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ay qaadday UEFA ayaa farxad gelineysa taageerayaasha kooxda Liverpool, maadaama Reds ay Champions League-ga wareeggiisa 16-ka ay la ciyaarayaan Bayern Munich.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR