DEG DEG:-Weerar dad lagu laayay oo Goordhow ka dhacay Galmudug

Wararka aan ka heleyno inta u dhexeeysa Balanbal iyo degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay dad shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka Balanbal.

Rag hubeysan ayaa weerar loo adeegsaday rasaas ku qaaday 6 ruux  oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo xirsi lugeey ee Galgaduud, isla markaana rasaastaas uga dhacday qeybaha sare ee jirka.

Dad ku sugan Balanbal ayaa soo weriyey in weerarka lagu dilay 6 ruux, halka dad kalena lagu dhaawacay, waxaana deegaanka tegay falka kadib dad shacab ah oo gurmad u sameeyay dadkii dhaawacmay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ragga hubeysan ee weerar geystay ahaayeen kuwo watay dharka Ciidanka dowladda Federaalka, iyagoona si deg deg ah uga baxsaday, aadayna dhinaca deegaano howd ah.

Weerarka lagu qaaday dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa deegaanka xirsi lugeey oo 7 KM u jira Balanbal ayaa la sheegay inuu ahaa mid la xiriiray aano qabiil, waxaana xusid mudan in marar badan Galmudug ay ka dhaceen weeraro la xiriiray aano beeleed.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR