Deni oo xaalad caafimaad u Cafiyay shan xukmane

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,
ayaa  dikreeto uu soo saaray  Cafis
gaar ah ugu fidiyey shan xubnood oo dhowaan ay xukuntay maxkamadda derejada
kowaad ee gobolka Bari.

Wareegtada ayaa lagu sheegay, in madaxweynuhu shantaasi xukmane Cafiyay, kadib markii uu xeeriyay xaaladooda caafimaad iyo da’dooda oo weyn, waxaana xusid mudan in laba kamid ah xukmanayaasha la sii daayay Isniintii todobaadkan, kadib markii ay xaalad caafimaad la soo deristay.

Shanta xukmane
oo magacyadoodu kala yihiin; Muuse Cali Jaamac Ina Caasho Ciise 70 jir ah,
Cabdullaahi Yuusuf Buuxe Ina Faadumo Shire 60jir ah, Cawad Ceel Maxamed
70 jir ah , Cabdicasiis Baydhabo Axmed Ina Shamis Siciid 47 jir ah
iyo Maxamuud Aadan Rooble ina Mumino Maxamud 60 Jir ah, ayaa maxkamadda
derejada kowaad xukuntay 5-tii bishaan January 2020.

Maxkamadda
 ayaa saddex bilood ah oo xabsiya iyo
ganaax lacageed oo dhan $500  oo Dollar, waxay ku riday Siyaasi Muuse Cali
Jaamac, Cabdullaahi Yuusuf Buuxe (Diraac) iyo  Cawad  Aadan Maxamed (Cawad Ceel), halka maxkamaddu
ay laba  sano oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo $1,000 Dollar ku riday Cabdicasiis
Bayadhabo iyo  Maxamuud Aadan Rooble.

Shanta xukmane ayaa xabsiga la dhigay intii u dhexaysay 30-November iyo 2- December 2019, kadib markii ay xukuumadda ku dhaliileen Heshiisyada Maal-geshi ay kula jirto shirkdaha laga leeyahay waddanka Imaraatiga, balse maxkamadda ayaa  sheegtay lagu helay kicin dadweyn iyo aflagaaddo ka dhana madaxda Puntland.

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR