Dhaawacyada Qarixii ka dhacay Wadada Afgooye oo loo qaaday Turkiga.

Diyaarad ka timid Dalka Turkiga ayaa saakay ka qaaday Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho, dhaawacyada Shaqaalihii Turkiga ee ku waxyeeloobay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay Meel u dhow degmada Afgoooye ee G/Shabeellada Hoose.

Tirada Dhaawacayada Turkida ahaa ee la qaaday ayaa gaarayay lix, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay xaaladooda caafimaad lagu baxnaaninayey Isbitaalka Erdogan, “Ex-Digfeer” ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaar kamid ah Ciidanka Dowladda Soomaaliya, ee qaraxaas ku dhaawacmay, iyagana loo qaaday dalka Turkiga.

Al-Shabaab ayaa 18-kii Bishaan, qarax ismiidaamin ah kula beegsadey Bar-koontarool oo ku taalla Degmada Afgooye Shaqaalaha Turkiga ee u Shaqeynayey shirkadda dhiseysa Wadada xiriirisa Muqdisho & Afgooye, iyo Ciidamo ilaalo u ahaa, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR