Dhirbaaxo: Arsenal Oo Xaqiijisay Xiddig Muhiim Ah Oo Ka Dhaawacmay Kooxda, Waa sidee Fursadihiisa Kulanka Leicester City?

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in xiddiga khadka dhexe ee kooxda Dani Ceballos seegi doono kulanka ay sabtida la ciyaari doonaan Leicester City.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Spain ayaa ciyaaray kulamo badan oo kooxdiisa Ah tartamada xilli ciyaareedkan tan ilaa markii uu Amaahda kaga soo biiray Real Madrid isaga oo ku bilowday 8-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Xiddiga ayaa dhaliyay gool kaliya kaas oo uu ka dhaliyay Standard Liege kana tirsanaa Europa League waxana uu ku dhaawacmay kulankii ay kooxdiisu bar-baraha 1/1 ah la gashay kooxda Vitoria kana tirsanaa Europa League.

Xiddiga khadka dhexe oo dhaawac looga saaray kulankii Europa League daqiiqadii 54-aad ayaa haatan seegi doona kulanka ay Arsenal booqan doonto Liecester City.

Arsenal ayaa xaqiijisay in uu Ceballos ka dhaawacmay muruqa lugta bidix inkasta oo haatan la qiimayn doono xaaladiisa ka hor kulanka Leicester City.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR