Dhirbaaxo: Kadib Dhaawacii Laporte, Daafac Kale Oo Man City Ah Oo Bil Dhaawac Garoomada Uga Maqnaan Doona

Masiibooyinka dhaawacyada ee Kooxda Man City ayaa isa soo taraya kadib markii uu dhaawac soo gaadhay daafac kale oo Kooxda ah kaas oo garoomada ka maqnaan doona muddo 4 ilaa 5 todobaad ah sida sida uu xaqiijiyay tababare Guardiola.

Daafaca kooxda Man City ee John Stones aya garoomada ka maqnaan doona muddo 4 ilaa 5 todobaad ah kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay tababarka kooxdiisa Man City.

Daafaca reer England ee Stones ayaa la sheeyaa in uu soo gaadhay dhaawac muruqa ah taas oo garoomada u diidi doonta muddo bil ah taas oo dhirbaaxo ku ah kooxda Man City.

Dhaawaca John Stones ayaa imanaya kadib markii todobaad ka hor uu dhaawac halis ah soo gaadhay daafaca birta ah ee Aymeric Laporte kaas oo garoomada ka maqnaan doona muddo 5 ilaa 6 bilood ah.

Tababare Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in John Stones dhaawac muruqa ah ka soo gaadhay tababarkii ugu dambeeyay isaga oo garoomada ka maqnaan doona muddo 4 ilaa 5 todobaad ah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR