Dhul-gaddoon iyo dhaqan-gaddoon: dhallan-roggii ay keentay duufaantii SAGAR (WQ: Axmed C. Ismaaciil)

Tan iyo markii ay dhacday masiibadii rabbaaniga ahayd ee Sagar, 19/May/2018, kuna habsatay deegaano u badan degmooyinka Lughaya iyo Baki ee gobolka Awdal, waxa ay haayadaha iyo dawladubu la tacaalayeen sidii loo gaadhi lahaa dib-u-soo kabasho cuddoon oo dhinacyo badan leh, taas oo ay ugu waynayd dhul-gaddoon iyo dhaqan-gaddoon isku sidkan. Dhul-gaddoonku waxa uu noqday ka muuqday markiiba ee keenay gurmadka haayadaha, shacabka iyo dawladda. Waxaase gadaal ka soo ruqaansaday dhaqan-gaddoon soona xoogaysanaya, madaxiisii horena uu hadda socdo. Dhaqan-gaddoonku waa isbedel san-dule ah oo ku yimi hab-nololeedkii dhaqan-dhaqaale ee dadka deegaankaa. Waana ta sida daran loo hilmaansan yahay. Dhanka kale, sooyaalka dhow iyo ka fog mid koodna laguma magac-dhabin dhacdo la saamayn iyo siloonaan ah.

Nolol iyo dhaqan ahaan, dadka ku uumman dhulka buuraleyda iyo xeebaha galbeed ee Soomaaliland waa xoolo dhaqato reer guuraa ah, noloshuna ay tahay mid tiic iyo diihaal badan oo aan aqoon nasasho iyo il-doogsi. Mana lahayn hoy iyo qormo toona, goob iyo gabaad mooyee. Sidaas ayay ku soo jireen tan iyo inta dadka ogaalkiisu yahay.

Waxaase, mar qudha wax bedelay duufaan biyo, dabaylo iyo dhaxan isbarkan wadata oo si diran u baabi’isay gabbaadkii iyo goobihii hoyga u ahaa dadka iyo noolaha kaleba. Waxaa leeday 65% xoolihii deegaankaas, dadkiina caydhnimo ayaa u soo hoyatay, waxaa baaba’ay dhul daaqsimeedkii iskuna bedelay dooxyo iyo qawyo afar-jeer-laab ka wayn intii hore. Waxaa isku faruurmay dooxyo isku jiray kiiloomitiro badan. Waxa la waayey dhir badan oo noocyo iyo jaadad kala duwan leh, waxaana bedelay dhir kale oo qaarkood magac iyo naanaystoona loo haynin. Sidoo kale, waxa isbedelay silsiladii noolaha oo dugaagii waa duugmeen, halka ugaadhiina ay durba raysatay oo taran badatay, qurdin ku bilowday dhulkii koobnaa ee daaqsinta xoolaha u soo hadhay.

Si kasta ha ahaato e, waxa ay dani tidhi in dadkii bedelaan dhaqankii xoolo-dhaqatonimo una wareegaan dhaqan ku cusub iyaga, ahna beero-falato. Kana wareegaan reer-guuraanimo una wareegaan beeralay degaan ah.

Gaddoonkan dhaqan waxa uu si toos ah u taabtay nolol-maalmeedkii iyo dhaqankii qoyska. Waxa isbedelay hawlmaalmeedkii qoyska, oo marka hore ahaa xoolo-dhaqato ay gadhwadeen ka ahaayeen haweenku, waxaa soo kordhay kaalin wayn oo raggu buuxinayaan oo ah in ay beeraha falaan, ceelal sameeyaan, guus iyo iskaashatooyin unkaan.

Waxa kale oo dhaqan-gaddoonku keenay in habkii xoolo iibinta ee ahaa in qoysku neef ama neefaf gegada xoolaha ula socoteeyaan laga wareego oo loo wareego beer dalagga ka soo baxa gawaadhi lagu daabulo ilaa suuqayada khudaarta ee magaalooyinka. Fadhigana ay lacag iyo macmiil wada socda ku helaan. Waxa soo kordhay in ay yaraato xummaddii sayladaha iibka xoolaha ee is-rog-rogga badnaa iyo wararkii naxliga badnaa ee ka iman jiray suuqa Sucuudiga, ayna ku koobnaadaan qiimaha taqdada ama jarikaanka tamaada, basasha iyo khudaarta kale, oo inta badan aanay wax badan iska bedelin, dawlado shisheeyana faro-gelin ku lahayn.

Si kasta oo ay ahaato ba, waxa la odorosayaa in dhaqan-gaddoonkani keeno taran-korodh, maadaama ay haweenkii shaqo yaraadeen, haleelna u heleen rugtii iyo raaskii ay marwooyinka u ahaayeen. Hawlo iyo waajibaad badanna la saaray ragga.
Waxa sidoo kale muuqata in dawladda culays iyo fududayba hal mar u wada iman doonaan, kaas oo ah inay hesho cashuuro dheeraad ah oo beeraha iyo dalaga laga qaado, sidoo kalena looga fadhiyo in ay hirgeliso dugsiyo, waddooyin iyo goobo caafimaad oo intii hore ka tiro iyo tayo ba san.

Isbedelkan dhaqan-dhaqaale, waxa kale oo uu keeni karaa in dhaqankii cuddoonaa ee gayaan-raadsiga reer-guuraaga kuna salaysnaa in doobku raadsaddo gashaanti uu ku soo arkay meel loo baad iyo biyo tagay, uu isku bedelo in wixii gashaantimo beerta ka ag dhaw uun la gayaansado.
Duufaanta Sagar waxa kale oo ay meesha ka saartay dhulkii daaqsinta ahaa ee dihnaa. Waxa ayna soo reebtay dhul kooban oo aan ku filnayn daaqsin. Taas ayaana keentay in la kala yeesho dhulkii la wada lahaa, sidoo kalena keentay colaad iyo is-huruuf durba la hayo foolkiisii, una dhexeeya dadkii waqti ka hor sabada xoolaha muruq iyo maan ba ku wadaagi jiray. Colaaddan ayaa u dhaxaysa dadkii ka digo-rogtay reer-guuraanimada una digo rogtay beeralaynimada, iyo tiro kooban oo aanay duufaantii cashirinin, oo arkaya in xoolahoodu baad iyo bar ba beeli doonaan haddii beeralaynimadu badato. Kooxdan dambe, waxa ay liqi kari waayeen, dhulka ku foorarsada oo beero astaysta, halka kuwii horena ay ka quusteen in xoolo kali ah lagu noolaan karayo, tijaabo nololeed oo cusubna u khibrad yeesheen. Waana dabeecadaha aadamaha in isbedelka yimaad ay cidi la jaan-qaado halka qaar kalena ay la tallaabsan kari waayaan. Waana wax fudud in colaadaas hadda teelteelka ah u xuub-siibato dagaal sokeeye, kaas oo u saansaan iyo sinji eekaan kara waxa hadda ka dhacaya dalka Itoobiya ee ku salaysan xuduud-riixa iyo dhul-durugsiga qoomiyadaha.

Hadaba, haddii ay sidaa ku socoto, waxaa hubaal ah in loo baahanayo in dawladda iyo dadka deegaankuba ku dhiiraadaan in ay sameeyaan dib-u-xadayn (made-samayn) u dhexeeya beelaha iyo qoysaska kuwada uumman deegaankaas, taas oo Sagar ay dhex dhigtay colaadda isku rogi karta dagaal sokeeye ama beeleed.
Faalladaas ka dib, dhalan-rogga ku dhacay dhulka iyo dhaqanka waxaan ku soo koobayaa odoroskan qodobaysan:
Odoroska togan:

1. Dadka deegaanka oo helay hab-nololeed cusub (beero-falato) oo kabaya kii hore ee ay yaqaaneen (xoolo-dhaqato)
2. Dakhliga qoyska oo laba-gacmoodin noqda, kana yimaada xoolo-dhaqasho iyo beer-falasho
3. Taran-korodh ku yimaad tirada dadka iyo qoysaska
4. Koboc ku yimaad silisalidii iibka ee ka bilaabmaysay beerta ilaa cidda ugu dambaysa
5. Cashuuro u soo hoyda dawladaha hoose iyo dhaqalaaha dalka oo biiro helaya
6. Kaalintii ragga ee arimaha qoyska oo si wacan u buuxsanta
7. Haweenka oo ka raysta shaqadii reer-guuraaga, kuna dakeeya beero iyo raasas ma-guuraan ah
8. Ubadka oo tacliinta haleel u yeesha, kana raysta hayaankii badnaa ee reer-guuraanimada
9. Dhul aan la degi jiran oo dib loo deegaameeyo iyo magaalooyin cusub oo abuurma.

Odoroska taban:
1. Xaalufin ku habsata deegaanka
2. Xoolo-dhaqashada oo yaraata
3. Dhul-daaqsimeedkii oo koobnaada, lana waayo seerayaal loo qululo xiliyadda abaarta
4. Muran iyo dirir dhex marta dadka wada degan jiidaha galbeedka
5. Wax-wada-lahaanshaha oo yaraada, wax-kala-lahaanshaha oo bata
Gebogebo ahaan, waxaan kula talinayaa dawladda, haayadaha iyo waxsan-tarayaasha in ay dib u eegaan isbedelkaas hadda socda. Waxtarkoodna u bedelaan wax anfacaya beeralayda cusub iyo xoolo-dhaqatada.

Axmed C. Ismaaciil (Axmed-Jeesto)
ahmedborama81@gmail.com
Boorama,
05/02/2019

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR