Dibad-bax ka dhan ah Waddooyinka Xiran ee Muqdisho oo ka socda qaybo ka mid ah Xamar

Muqdisho
(PP) ─
Dadweyne iyo wadayaasha
gaadiidka oo ka careysan xirnaashaha waddooyinka Muqdisho ayaa maanta dibadbaxyo
ka dhigaya qaybo ka mid ah caasimadda, kuwaasoo sheegay inay dalbanayaan in loo
furo waddooyinka xiran.

Bannaan-baxayaasha oo u badan
darawallada gaadiidka dadweynaha eek a shaqeeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegay
inay aad uga soo horjeedaan in waddooyinka la xiro lagana qaado lacago badan oo
maalinle ah.

“Lacago badan ayaa nalaga
qaadaa maalin walba, waxba nagama dhibeyso balse waxaa wanaagsan in naloo furo
waddooyinka xiran, maantana sidaas ayuu bannaan-baxeennu ku saabsan yahay,
waxaana ku dhawaaqnay shaqo joojin,” ayuu yiri mid ka mid ah darawal ka mid ah
dadkii bannaan-baxa ka qayb-qaadanayay.

Gaadiid badan ayaa dhooban
isgoyska Ex-koontarool Afgooye, kuwaasoo la sheegay inay ka mid yihiin kuwi
shaqeyn jiray oo maanta ku dhawaaqay in ay joojiyeen shaqadoodii, sababo la
xiriira cabashadooda.

“Waxaan nahay dadka ku
shaqeysta gaadidka BL-ka loo yaqaan, meel aan marno malahan, waxaan diyaar u
nahay inaan shaqada joojino, meel kasta waan ku bannaan-baxaynaa, Ex-koontarool
43,000 oo shillin ayaa nalooga qaadaa socod walbaa oo Afgooye aan ka imaanno,
haddana meel aan ku shaqeysanno ma haysanno,” ayuu yiri hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, dibadbaxan ayaa
wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay shacabka Muqdisho
dhigayeen dibadbaxyo ka dhashay dilalka loo geysto darawallada bajaaj-ta iyo xirnaashaha
waddooyinka Xamar.

Ugu dambeyn, Dibadbaxan ayaa
wuxuu imaanayaa iyadoo la sheegay in dad lagu qabqabtay dibadbax maalin ka hor
ka dhacay magaalada Muqdisho la soo taagi doono maxkamad, kaddib markii lagu
tilmaamay inay yihiin rabsho wadayaal.

PUNTLAND
POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR