Donny van de Beek Oo Badalay Go’aankiisii Ku Saabsanaa Man United Xilli Red Devils Diyaarinayso Dalab 50 Milyan ah.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Ajax ee Donny van de Beek ayaa lagu soo waramayaa in uu u furan yahay ku biirista kooxda Man United inta lagu jiro bishan ama suuqa Xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Donny van de Beek ayaa markii hore la sheegayay in uu iska diiday Man United kana doortay ku biirista kooxda Real Madrid wakhtiga soo socda laakiin xiddiga reer Holland ayaa u muuqda haatan mid badalay Go’aankiisa.

Shabakada Sky Sport ayaa sheegaya in uu Donny van de Beek diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda Man United hadii ay kooxdiisa kala heshiiso qiimihiisa.

Donny Van de Beek oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkii hore taas oo keentay in uu xiiso ka helo kooxo badan oo reer yurub ah.

Xiddiga ayaa markii hore doonayay kaliya ku biirista kooxda Real Madrid laakiin Donny Van de Beek ayaa haatan badalay Go’aankaas waliba Albaabka u furay in uu ku biiro kooxda Man United.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR