Doorka Shibbaneyaasha Labanlaabma (WQ: Maxamed Baashe X. Xasan)

Xaalad kasta labanlaabku ma yimaaddo, wax se uu lagama maarmaan noqdaa marar qaar ah iyo xaalado gaar ah. Daraaso aan waa’ hore sameeyey waxa aan ku ogaadey in ay jiraan toddoba xaaladood oo labanlaabkaasi yimaaddo. Mid ka mid ahi waa dhalad oo ereyga laftiisa ayay cayntiisu labanlaab marka horeba ay iska tahay, lixdana kalena waxa dhaliya isbeddel afeed ereyga ku yimaadda.

Khaladaad badan ayaa la galaa marka ereyada labamlaabmaa yimaaddaan. Waxa marar badan laga tagaa halkii labanlaabka xaqa u lahayd, marar kalena waxa labanlaabka la siiyaa meel kale oo aan xaq u lahayn. Labada jeerba waa khalad laga gelayo afka iyo qaab-qoraalkiisa saxda ah.

Islaan Ingiriis ah oo gedihii 80 jirka ku jirta oo tukube miciinsanaysa ayaa maalin iigu soo gashay meher Internet Café ah magaalada London oo aan lahaa. Gidaarka waxa ku qornaa ogeysiis ku saabsanaa qaab xisaabeed oo dadka sida joogtada ah Internet-ka naga macmiisha aannu ugu talo galnay in aannu qiime hooseeya oo jumlad oo kale ah ku siin doonno haddii ay furtaan xisaab ay dhigtaan (Account) lacag ka bilaabanta saacad wixii ka badan oo ka jabnaan doonta sidii caadiga ahayd. Kelmedda Account ayaa waxa si kamma’ ah looga tegey ereyga “C” labanlaabkii ku jirey oo waxa la qoray “Acount”.

Islaantii inta ay warqaddii ogeysiisku ku qornaa akhridey oo tiraba laba jeer himbiirsatey ayay jifidii bakooraddeeda inta ay ereygii khaldanaa dulsaartay oo ku yar gujisey si canaani ku jirto ayay tidhi “oday ama warqaddan meesha ka fuji ama kelmedda Account si khaldan baa loo qoraye dib u sax fadlan! Waa aan eegay, waana runteed oo qoodh iyo xeradeed khaladkaasi waa uu jira. Waxa aan ku idhi waa aad mahadsan tahay, iyada oo taaganna waa aan ka soo fujiyey derbigii warqaddu ku dhejisnayd, waxa aanan ku wadhay mid cusub oo sax ah. Wejigeedii waxa ka arkayey maqsuud iyo riyaaq badan, waxa se markiiba igu soo dhacday qoraalka Afsoomaaliga iyo sida basarka xun ee loo candadawlo marka wax lagu qorayo.

Waa maalintaas marka ay igu soo dhacday qiimaha labanlaabku afafka ugu fadhiyo iyo in xil la iska saaro oo la ilaaliya sida ay garatay islaantaas da’da ah ee Ingiriiska ah oo og in afku yahay aqoon Allihii abuurtay aadmiga ku galladay. In uu yahay nicmo ka mid ah deeqaha uu Alle aadmiga siiyey, waajibna ka saaran yahay gudashada xilka iyo mas’uuliyadda ilaalintiisa, dayactirkiisa hadal iyo qoraalba.

Afkeennu sida afafka kale kama maarmi karo xeerar iyo qawaaniin dhigaalladiisa loo raaco. Guddidii qoraalka farteenna ayaa 1972 beyaamisey qaar ka mid kuwa ugu muhiimsan xeerarkaas. Shibbaneyaasha labanlaabma ayaa xeerarkaas ka mid ah. In kasta oo ay qaar kalena jiri karaan, haddana sida guddidaas Afsoomaaligu isku raacday toddoba ka mid ah shibbanayaasha afkeennu way labanlaabmi karaan. Tilmaan ahaan waxa toddobadaas shibbane lagu baadi soocdaa labadan hawraarood. Qaar kale oo badinina waa ay jiraan:
Ma nala garaad baa.
Badar galaamayn.

Qormadan waxa aynu ku wada gorfayn doonnaa xaalad ka mid ah xaaladaha labanlaabka shibbaneyaashu yimaaddaan. Magacyada lab ee isirkoodu kelida yahay ee ku dhammaada shibbaneyaasha “b, d, r, l iyo n ” haddii aanay alan keli ah ka koobnayn wadartoodu way labanlaabantaa, “o” daba-gelis ahna way qaataan.

Tusaale shibbanaha “Bb”:
Albaab“-ka”: albaabbo”-ada”, qodob“-ka”: qodobbo”-ada”, qoqob”-ka”: qoqobbo”-ada”, baarqab”-ka”: baarqabbo”ada”, sacab”-ka”: sacabbo”-ada”, birqaab”-ka”: birqaabbo”ada”, sambab”-ka”: sambabbo”-ada” iwm. qodobkii lab“ka” waxa uu u wadaroobey dheddig qaata “da”, “o” waxa ay isu beddeshaa “a” sida sambabka: sambabbada.

FG I: ab”-ka”: abab”-ka”, saab”-ka”: saabab”-ka” iwm waa magacyo ka kooban hal alan oo keli ah, taas baana ka saaraysa xeerkaas hore. Iyaga isma beddelo isirkoodii labaa, sida saabka : saababka.

FG II: Magacyo faro-ku-tiris ah (xubnaha jidhka u badan) ayaa dariiq kale wadarayntooda la raacin karaa oo xeerkaas hore aan la jid ahayn sidan oo kale: garab”-ka”: garbo”-aha”= garbaha ka mid ah xubnaha jidhka; ama garabka : garabyo “yada” = garabyada siyaasadda ama jilib-“ka”: jilbo”-aha” = jilbaha xubnaha jidhka ama jilibka: jilibyo”-yada” = jilibyada qabaa’ilka iwm.

Tusaale shibbanaha “Dd”:
Wadaad”-ka”: wadaaddo “-ada”, garaad”-ka”: garaaddo”ada”, sharabaad”ka”: sharabaaddo”-ada”iwm.

Fiiro Gaar ah: cod”-ka”: codad”-ka”, cad”-ka”: cadad”-ka”, lud”-ka”: ludad”-ka”, bud”-ka”: budad”-ka”iwm.

Tusaale shibbanaha ”Rr”
Buraanbur”-ka”: buraamburro”-ada”, geeraar”-ka”: geeraarro”-ada”, nabar”-ka”: nabarro”-ada”, wasiir”-ka”: wasiirro”-ada”, barbar”-ka”: barbarro”-ada”, dhakhtar”-ka”: dhakhtarro”-ada”, durdur”-ka”: durdurro”-ada”, amiir”-ka”: amiirro”-ada”, cudur”-ka”: cudurro”-ada” dakhar”-ka”: dakharro”-ada”, dabar”-ka”: dabarro”-ada” iwm.

FG I: gar”-ka”: garar”-ka”, qar”-ka”: qarar”-ka”, qor”-ka”; qorar”ka” iwm. waxa ay raacayaan xeerkii magacyada alanka keliya ka koobnaa.

FG II: magacyada shimbir, daruur, bar, buur, habar, daar iwm isirkoodu waa keli dheddig ah oo qaata qodobka dheddigood ee “ta”. Sidaas darteed wadaraytooda shibbanaha “r” ee ay ku dhammaadaan ma labanlaabmo. Tusaale shimbir”-ta”: shimbiro”aha” ama bar”-ta”: baro”-aha”iwm.

Shibbanaha “Ll”
Qoraal”-ka”: qoraallo “-ada”, dhigaal”-ka”: dhigaallo”-ada”, wakiil”-ka”: wakiillo”-ada”, aqal”-ka”: aqallo”-ada”, alool”ka”: aloollo”-ada”, qiraal”-ka”: qiraallo”-ada”, dhambaal”ka”: dhambaallo, qabaal”-ka”: qabaallo”-ada”, gobol”-ka”: gobollo”-ada”, qawlal”-ka”: qawlallo”-ada”, awlal”-ka”: awlallo-“ada” iwm.

Hase yeeshee waxa xeerkaas ka baydhaya magacyada hal alanleyaasha ah ee labka ah ee “l” ku dhammaada sidii aynu horeba ugu soo aragnay kuwa ku dhammaada “b, d ama r”.
Gal”-ka”: galal”-ka”, qol”-ka”: qolal”-ka”, qul”-ka”: qulal”ka”, dhul”-ka”: dhulal”-ka”, dal”-ka”: dalal”-ka” iwm.

Shibbanaha”Nn”
Marin”-ka”: marinno”-ada”, surin”-ka”: surinno”-ada”, duullaan”-ka”: duullaanno”-ada”, degaan”-ka”; degaanno”da”, bannaan”ka”: bannaanno”-ada” iwm.

Hase yeeshee sidaynu hore u soo aragnay waxa xeerkan diidaya magacyada hal alanleyaasha lab ee “n” ku dhammaada. Tusaale:
Ban”-ka”: banan”-ka”, wan”-ka”: wanan”-ka”, nin”-ka”: niman”-ka”, san”-ka”: sanan”-ka”, waab”-ka”: waabab”ka” iwm.

Shibbanaha”Mm”
Ma jiraan ogaalkayga magacyo Soomaali ah oo xarafka “m” ku dhammaadaa, marka laga reebo ereyga “Qamaan” iyo ereyo-sanqadheed kale sida aynu meelo kale oo buugggan ka mid ah kaga tibaax bixinnay. Hase yeeshee waxa jira macagyo lab oo ku dhammaada “n” oo marka wadaroobayaan “n”-du isu beddesho “m” labanlaabanta. Tusaale:
Qaalin”ka”: qaalimmo”-ada”, qalin”-ka”: qalimmo”-ada”, kulan”-ka”: kulammo”-ada”, inan”-ka” : inammo”-ada iwm.

Ereyada shibbanaha “Mm” ku dhammaada ee ereyada dhaladka ah ee Afsoomaaliga waxa aan la kulmay ereygan Qamaam oo qamaan na loo adeegsado, wax se jira ereyo jabaqeed ay ka mid yihiin: qalam, jalam, dam, alam iwm.

La soco qayb kale iyo xaalad kale oo labanlaabku yimaaddo.

Sawirka@Bogga FB ee Khaalid Foodhaadhi

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR