Dortmound Oo Badalka Pulisic U Soo Qaadan Doonta Hazard Ama Warner

Dortmund ayaa xaqiijisay in Timo Werner ama Thorgan Hazard midkood heshiis la gaareen xagaagan imaan doono garoonka Signal Iduna Park.

Madaxa ugu fulinta Hans-Joachim Watzke ayaa xaqiijiyay in Hazard iyo Werner midkood xagaagan kooxdiisa imaanayo sidoo kalena aysan haatan saxaafada u sheegeyn midka ay labadan xidig heshiiska hordhaca ah lasii gaareen.

Dortmund ayaa awoodeeda Lacageed u Adeegsan Donta Qaabki Ay Ku Heli Lahaayeen Badalka Pulisic Oo Chelsea aadi Doona Dhamaadka Xilli Ciyaareedka.

Kooxdaan Ayaa Dooneysa Durba In Ay Ka Sii Fikiraan Qarashaadka Waalida ah ee ay suuqa ka helaan Halkii Ku Bixin Lahaayeen.

Lama Oga Sida Dhabta Ah Labadaan Xidig Midka Ay Soo Qaadan Donaan Balse Midkoo Ayay Keeni Doonaan Sida uu Xaqiijiyay agaasimaha Kooxda Dortmound.

Dortmound ayaa caan ku ah inay xidig yaryar soo carbaabiyaan Kadibna ay Qarashaad Fiican Ka Sameeyaan Sanado Kadib.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR