Dowladda Australia oo liiska Argagagixisada ku dartay Daacishta Somaliya

Dowladda Australia ayaa si rasmi ah u shaacisay in Ururka
Daacish faraciisa Soomaaliya loo aqoonsaday argagixiso sidoo kalena uu qatar ku
yahay ammaanka dadka dalka Australia.

Agaasime ku xigeenka Hay’adda sirdoonka dalka Australia Heather
Cook ayaa xukuumadda u gudbisay soo jeedin ay sameeyeen Guddiga sirdoonka ee
dalka Australia.

Qoraalka ay Gudbiyeen Guddiga ee dowladda ogolaatay ayaa waxaa
ku xusan in dadka asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ay xiriir la yeelan
karaan  Daacishta Soomaaliya.

Waxyaabaha laga digay waxaa ka mid ah in ay geystaan Afduub una
geystaan dad Reer Galbeed ah iyo kuwa u dhashay Australia ee dalkaasi ku sugan.

Dowladda Australia ayaa sheegtay in Daacishta Soomaaliya ay aas
aasan tahay shan sano ka hor islamarkaana weerarro ka fuliso gudaha Soomaaliya
oo ay ku beegsatay Dowladda Somaliya & Ciidamada Ajaanibta ah.

Dhowr jeer oo hore ayaa weerarro ka dhacay Dalka Australia waxaa
geystay dad Soomaali ah,waxaana mas’uuliyadda weerarradaas sheegatay Kooxda
Daacish.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR